Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka oo Ka Dooday Sidii Falastiin Loogu Heli Lahaa Dowlad Madaxbannaan oo Gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ayaa ka dooday ajande ku saabsan in falastiin loo aqoonsado dowlad madaxbannaan, islamarkaana ay xubin buuxda ka noqato Golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay.

Golaha uu ka jawaabaya codsi ay hore ugu  gudbisay Falastiin oo ku saabsanaa in dowladda gaar ah loo aqoonsado ayaa  isku raaci waayay inay soo jeediyaan talo midaysan oo arrintaa la xariirta, taas oo la xiriirta codsigii 2012.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa weli rajaynaya in15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku ay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo ku talinaya inay xubin buuxda ka noqoto hay’adaha Qaramada Midoobay, islamarkaana qaran madaxbannaan loo aqoonsado.

 Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay falastiiniyiintu wajahayaan dhibaatooyin ba’an oo ka dhashay dagaalka qasa iyo xad-gudubyada ay ciidamada Israa’iil sida joogtada ah uga gaystaan daanta galbeed, waxaana la ogeyn waxa kasoo bixi doona.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this