Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadeynta Donald Trump Oo Ka Bilaabatay New York Iyo Digniin Ah In La Xidhi Doono Haddii Uu..

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo maxkamad la soo taago.Waxa uu waajahayaa eedaymo ka dhashay lacag laaluush ama sharci darro ah ah oo uu siiyay jilaagii weynaa ee Stormy Daniels.

Waxa uu diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo ku andacoonaya in dacwad oogayaasha ay qeyb ka tahay qorshe ay Dimuqraadiyiinta kaga hortagayaan inuu mar kale la wareego Aqalka Cad.

Dacwada ayaa ku bilaabatay qareenada labada dhinac oo ku doodaya arimo badan oo kiiska ah, oo ay ku jiraan cadeymaha la aqbali karo iyo su’aalaha la weydiinayo garyaqaanada.

Dacwad-oogayaasha iyo qareennada difaaca ay bilaabeen soo xulista xeerbeegti ka kooban 12 ruux oo dhagaysata kiiska loo haysto Donald J Trump.

In ka badan kala badh guddigii ugu horreeyay ee 96 xeerbeegti ah ayaa cudurdaar la ceydhiyay ka dib markii ay sheegeen in aysan noqon karin cadaalad iyo dhexdhexaad.

In ka badan 500 oo xeerbeegti ah ayaa sugaya inay maqlaan inay qayb ka noqon doonaan kiiska iyo in kale.

Marka xulista xeerbeegtidu dhammaato, labada dhinac ayaa markaa bilaabi doona soo bandhigida kiisaskooda, iyadoo xeer ilaalintu marka hore soo bandhigi doonto eedaha loo haysto DonaldTrump.

Trump waxaa looga baahan yahay inuu ka soo qayb galo dacwadda maalin kasta oo dacwadda la dhagaysanayo illaa uu soo codsado oo aan la siin ka dhaafid.

Shaqaalaha maxkamadda iyo qareennada labada dhinac ayaa sheegay in ay filayaan in dacwaddu ay socon doonto inta u dhaxaysa lix ilaa siddeed toddobaad.

Xaakimka Maxkamada waxa uu xasuusiyay Trump in ay waajib tahay in uu joogo maxkamadda maalin kasta oo ay dacwaddu socoto,waxana uu soo saaray digniin caadi ah oo ah in la xidhi doono haddii uu iman waayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this