Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad badeeddii haystay markabka MV Abdullah oo qirtay inay qaateen $5 million oo madax furasho ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab ay afduubteen oo lagu magacaabo MV Abdullah, kadib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaadheysa 5 milyan oo dollar, sida ay sheegeen laba kamid ah budhcad badeedda markabkaas haysatay.

“Laba habeen ka hor ayaa lacagta naloo keenay sidii caadada ahayd, waxaan hubinay in lacagtaasi ay tahay mid been abuur ah iyo in kale, kadibna lacagta ayaan u qeybsanay koox kooxo, kadib waan baxnay anagoo ka fogaanay ciidamada dowladda”ayuu yidhi C/rashiid Yuusuf oo ka mid ah kooxaha budhcad badeeda ah. Reuters.

Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay diyaarad yar oo boorso ku tuuraysa meel ku dhow markabka ay burcad badeedda haysteen. Waxaa la sheegay inay ahayd boorsada ay ku jirtay lacagta madax furashada ee ay budhcad badeeddu dalbadeen.

Markabka MV Abdullah, oo ah nooca xamuulka qaada oo ka babanayay calanka Bangladesh, ayaa la afduubtay bishii march ee sannadkan, isagoo ka yimid Mozambique kuna socday Imaaraadka Carabta.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 600 mayl-badeed bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa raadinaya budhcad badeeeddan, oo la sheegay iny ku dhuumaalaysanayaan deegaanaha xeebaha, ka dib markii ay ka dageen markabka MV Abdullah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this