Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Maareynta oo Gargaar Kale Duwan u Dirtay Magaalooyin Dhaca Bariga Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda Maareynta Qaranka ee SODMA ayaa habeenimadii xalay shixnido gargaar ah waxaa ay u dirtay degmooyinka Ceeldheer iyo Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, xilli dalka uu ka curtay roobka xilliga Gu’ga oo laga cabsi qabo in daadad ay ka dhashaan.

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 9 Gaadiid ah oo ah nooca xamuulka qaada, waxana ay wadaan mucaawino ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxana tan ahaan ay gaaraysaa 116,5 tan oo gargaar ah, kuwaas oo loogu talo galay dadka danyarta ah eek u nool.

Magaalooyinka Ceeldheer iyo Masagawaa ayaa waxaa dhowaan dib ugu laabtay ciidanka xoogga dalka, xilli hadda cabsida ugu weyn ee jirta ay tahay in Roobka Gu’ga ay ka dhashaan daadad lamid ah El-Nino, taas oo ku dhufatay gobollada dalka intooda badan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this