Sign in to follow this  
Deeq A.

U diyaargarawga munaasibadda Qaran ee 18-ka May.

Recommended Posts

Deeq A.   

π‡πšπ«π πžπ²π¬πš (Qaran news)-Waxa shalay ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah shir daarranaa u diyaargarawga munaasibadda Qaran ee 18-ka May.
IMG-20240414-WA0003.jpg
Guddida Qabanqaabadda Munaasibadda Qaran ee 18-ka May ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL oo ka kooban Agaasime-waaxeedyadda iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedkoodii munaasibada qaran ee 18-ka May iyo halka ilaa hadda hawluhu u marayaan.

Shirka waxa shir gudoominaysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, marwo Rooda Jaamac Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa dhammaan guddigii qaban-qaabadda ee munaasibadda qaran ee 18-ka May.
Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay qorshaynaysaa in sannadkan Xusaska Maalinta Qarannimada ee 18-May loo xuso si wayn maadaama uu sanad kani yahay sanadkii Ictiraafka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this