Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Ergayga Nabadda Geeska Afrika Ee Dowladda Finland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Mudane Suldaan Saciid Axmed,

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, Finland ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya xilli gobolka ay ka jiraan xaalado kale duwan oo dhowaanahaan soo kordhay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this