Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisadda Iran iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
image_f6902d889a.jpg?resize=864%2C486&ss

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu yeesho shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay Iran ku weerartay Israa’iil.

Shirkan deg dega ah waxa dalbatay dowladda Israa’iil oo warqad rasmi ah u dirtay Madaxweynaha golaha Vanessa Frazier waxaana ay sheegtay in weerarka Iran uu halis weyn ku yahay nabadda iyo ammaanka Caalamka.

Goor sii horraysay, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian , wuxuu sheegay in howlgalkii aargoosiga ahaa ee ka dhanka ahaa Israa’iil la soo afjaray, isla markaana Iran aysan qaadi doonin howlgal cusub ilaa la soo weeraro.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisadda Iran iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this