Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulmay iyo Wasiirrada Cusub oo La Dhaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, wasiirradaan ayaa kusoo baxay iskushaandheyn lagu sameeyay xukuumadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this