Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo Sirasmi ah Loogu Wareejiyay Xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Amb. Axmed Macallin Fiqi,ayaa  si rasmi ah xilka ugala wareegay ku-simaha Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad kadib munaasabad ka dhacday xarunta.

Munaasabadan xil wareejinta ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka kala socday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadda xilka kula wareegayay wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Intii ay socotay xaflada ayaa wasiir Fiqi oo hadal kooban jeediyay waxa uu ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay u adeegida Soomaaliya iyo horumarinta himilooyinka siyaasadda dibadda ee qaranka. Waxa uu wacad ku maray in uu wax walba ka hormarin doono danaha dalka iyo maslaxada guud ee qaranka.

Xilka cusub ee Wasiir Fiqi waxa ay ka dhigan tahay bog cusub oo u furmay socdaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo sare u qaadista sumcadda dalka ee caalamka iyadoo la xoojinayo nabadda iyo horumarka iyo hirgelinta himilooyinka Qaranka.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa wuxuu ku soo baxay iskushaandheyn dhowaan lagu sameeyay xukuumadda federalka, waxaana laga soo wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta xilka ayaa waxaa ka degay Abshir Cumar Haruuse

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this