Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Addis Ababa iyo Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xidhiidha jabhada Fano.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this