Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ugu Hambayeeyay Ciidanka Xoogga Munaasabadda 12-ka April

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa Hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka oo u dabaaldegay 64-sano guuradii kasoo wareegtaymarkii markii la aasaasay, taliyaha ayaa sidoo kale hambalyeeyay xaasaskooda iyo caruurtooda ciidanka.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Har iyo habeen difaacyada iyo furimaha Dagaalka ugu jiraan Difaaca dalka iyo sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in ciidanka si gaar ah looga fakaro daryeelkooda guud ahaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato, xilli dhowaan la filayo in xoogga dalka ay la wareegaan ammaanka dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada, waxaana xoogga dalka sanadadii dambe lagu waday dib u dhis xooggan, si ay ugu fillaadaan amaanka guud ee dalka, waxaana siweyn u kordhayay tiradooda iyo tayadooda intaba.

Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Uganda iyo kuwa kale ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dadaalka lagu doonayo in dib loogu dhiso ciidanka xoogga dalka, kaas ooh adda maraya xaalad wanaagsan waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan gobollada dalka iyagoo gaaray deegaanno dhowr ah.


Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this