Sign in to follow this  
Deeq A.

Tuhunka ka dhashay kulankii Xasan iyo Ruto oo sii xoogeystay – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
434641600_862630535908087_14383751335360

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulankii ay todobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Ruto ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa isa soo taraya tuhunka laga muujinayo kulankaasi oo la sheegay in lagu soo qaaday arrimo ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

Intaas kadib dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in aan laga wada xoojin arrimo ku saabsan xiisadda badda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.

Dhinaca kale waxaa haatan sii xoogeysanaya shakiga ka dhashay arrintan oo si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana ka falceliyay siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa su’aal ka keenay in madaxweynuhu keli ku noqdo kulankaasi, haddii laga wada-hadlay amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Haddii sida la sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay dhiggiisa Kenya looga hadlay iskaashi amni iyo la dagallaan argagexiso, maxay u wehlin waayeen wasiirradii, madaxdii hay’adaha amniga iyo hawlwadeenkii diblomaasiyadda oo safiirkii dalka ugu horreeyo?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma iskashi amni ayuu madaxweynuhu kaligii ka hadlayey, mise cid kale uu aamino ayuu waayey?”.

Ugu dambeyn wuxuu ku taliyay in arrintan si faahfaahsan loola wadaago shacabka Soomaaliyeed, si ay u ogaadaan xogta kulanka ay yeesheen labada madaxweyne.

“In shacabka Soomaaliyeed si daahfuran oo daacadnimo leh loogu warbixiyo ayaa ka habboon in la soo saaro qoraallo midig iyo bidix u socda oo lagu beeninayo waxa ay Wakaaladaha wararka kulanka ka qoreen” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

The post Tuhunka ka dhashay kulankii Xasan iyo Ruto oo sii xoogeystay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this