Sign in to follow this  
Maaddeey

Abu Zubayr oo guubaabiyey Ciidamadiisa

Recommended Posts

Maaddeey   

Muqdish(AllPuntland)- Madaxda ugu sareysa Dhaqdhaqaaqa Shabaabul Mujaahidiin ayaa tagay oo dhamaantood socod ku maray goobaha ay joogaan ciidamada Xarakada Al- Shabaab ee gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, waxa ayna Madaxdan gaareen xarumihii ugu dambeeyey ee ay maalmihii dhaweyd qabsadeen Xarakada Al- Shabaab.

 

Madaxdan oo uu hogaaminayay Amiirka Xarakada Al- Shabaab Sheekh Muqtaar C/rixmaan Abu-Subeyr, wuxuu ciidan kasta ujeedinayay hadal ku aadan mar xalada la marayo iyo sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo, iska difaaca ciidamada Shisheeye ee jooga Soomaaliya iyo ciidamada la socda ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Saraakiisha Al- Shabaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka Soomaaliya, laga dhiso dawlad Islaami ah, iyadoo meesha laga saarayo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, wadanka oo dhan laga saarayo sidoo kale cid kasta oo diidan in Kitaabka Alle lugu maamulo Soomaaliya, waxaana Al- Shabaab ay sheegeen in ay taasi ku dhici karto samir iyo dulqaad balaaran oo loo sameeyo.

 

Amiirka Al- Shabaab wuxuu ku dheeraaday naceybka gaalada, isagoo mar kasta soo qaadanayay Aayadaha Quraanka Kariimka ee wax looga sheegayo gaalada iyo cidii raacda, wuxuuna ciidamada ugu dambeyntii usheegay in ay hayaan wado wanaagsan, oo ah in ay la dagaalamaan ciidamo ku soo duulay dalkooda, oo ula jeeday ciidamada ka socda Ugandha iyo Burundi.

 

“ Alle weyne wuxuu saacad kasa garab taagan yahay dadka lugu yaqaano xaqa in aysan qarin, waxaana hada halkaan ujoognaa in aan difaacno kitaabkeena Quraanka, marna ma raaligalin karno dad, waxaan doonaynaa raaligalinta Allaah, oo ah midka aduunka aan cidna la maamulin” Ayuu yiri Amiirka Xarakada Al- Shabaab Sheekh Muqtaar C/rixmaan Abu-Subeyr.

 

Xarakada Al- Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaana gudaha Muqdisho oo ay kula dagaalamayaan AMISOM iyo dawladda KMG ah iyo gobalka Galguduud oo ay joogaan Ahlu Suna oo la dhacsan Siyaasada dawladda KMG ah ee Soomaaliya ama dhawaanba midoobay oo isku mawqif ah.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ugu baaqey inay sabarka badiyaan si guusha loo hanto

 

Amiirka ugu sareeya Xarakada ShabaabulMujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo mudooyinkii udambeeyey socdaalo ku marayey wilaayaadka ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab isagoona kula dardaarmey inay sabarka badiyaan isagoona sheegey inuu sabarku yahey midka guusha lagu hanan karo maadama waqtiga lagu jiro uu yahey xiligii islaamka uu qariibka uu ahaa islamarkaana lala yaabi jirey jihaadka.

“ waxaad ogtihiin waqtiga aan inagu nool nahey islaamku wuxuu ku jiraa qurbah,qurbadiisa rasuulku wuu sii sheegey salawaatu laahi caleyhi bada’al islaamu qariiban wasayacuudu qariiban fadhuubaa lil qurabaa. Qurbada waxaa ku jira caqaa’idku waxey ku jiraan qurbo iyo mafaahiinta saxda ah oo waxaad ogtihiin Towxiidkiiba in lala yaabayo maanta.

Waxaa qurbo ku jira Akhlaaqdiisii, waxaa qurbo gashey cibaadaadkiisii, waxaa qurbo gashey shareecadiisii iyo shacaa’irtiisii, intuba waxey ubaahan yihiin in lasoo nooleeyo, qurbadaa la zuuliyo; waxaana lagu zuulin karaana waa camal waa jiil inuu soo baxo camal ahaana u muujyo waxaas oo dhan oo caqiido ahaana caqiidada saxda ah ku toosan, Akhlaaq ahaana Akhlaaqdii saxda aheyd ku toosan, Cibaadadiisa iyo hab dhaqankiisa iyo Alle ka cabsigiisa u eg dadkii hore sidaas ayuu islaamku usoo noolaanayaa mar labaad oo wacdigii Alle subxaanahu watacaalaa ee Tamkiinka uu ku xaqiiqoobayaa”.

Amiirka Xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa waxa uu sidoo kale kula dar daarmey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab inay u tartamaan jihaadka Allah iyo talaab kasta oo wanaag ah oo horseedi karta raali gelinta Alle subxaanahu watacaalaa.

Sheekh Muktaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin inay u dulqaataan dhibaato walba oo ay kala kulmaan jihaadka ay ku jiraan islamarkaana ay kasii jeystaan aduunyada.

Waxana uu ugu dambeyntii ugu bishaareeyey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin inay guusha ahaan doonto dhanka islaamka islamarkaana ay jebi doonaan dhinacyada diidan jihaadka Allah.

“ waxa naloo dardaarmey safka hore inaan u tartan, Aadanka aan u tartan, jihaadka inaan utartano Xiraasada, ribaadka iyo wixii lamid ahna aan u tartano, Sidaa oo kale Salafka Ridwaanulaahi Caleyhim Aduunyada uma tartami jirin, Aduunyada iyaga midba kale ayuu ka hor marin jirey walaalkiisa ayuu ugu hormin jirey oo uu siin jirey, laakiin camal aakhiro hadii uu yimaado midba midka kale isagaa ka xigsan jirey.

Cali binu Abii daalib wuxuu yiri Aduun yooy ma Anigaa iisoo ban baxdey inaad ilumiso hey haat ma dhaceyso ayuu yiri, qeyrkeyga dag laakiin Anigu ima dageysid ayuu yiri Anigu seddex qodob baan kugu furey maxaa yeeley buu yiri facmuriki qasiir, waceyshuki xaqiir, wakhadharuki kabiir.

Seddexkaas tilmaamood baad leedahey nolasha cimrigaagu waa gaaban yahey , noloshaaduna waa liidataa, khatartaaduna waa badantahey”.

Khudbaddad Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu zubeyr ayaa waxey kusoo beegmeysaa xili mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Shabaabul mujahidiin ay socdaalo ku kala bixinayaan wilaayaadka Islaamiga ah ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyadoona fariintii tan ka horeysey uu Amiirka soo direy 5-tii bishii September ee sanadkii aan soo dhaafney.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why ,,, when every crimal kills enough innocent maato iyo birimagaydo ,,,,ulabaxaa funny things like Abu Zubayr ,Abu xambala,,Abu shayaadiin baad itiin inkaar qabayaal ,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not the father's name though ,,,,, why would one lie about his parents yet want to call for islam ?? ,,,, caaq fooqal caaq iga dheh ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those who slander and speak ill of him by saying that he changed the name of his father usually didn't even knew him before he became widely known as the leader of the mujahideen.

To clarify this, his name is Mukhtar 'Abdirahman, the son of Mohamud aka Godane and his kunya is Abu Zubayr.

Previously he was known as Ahmed 'Abdirahman aw Mohamud and also as Ahmed 'Abdi Godane or simply as ina Godane.

So he only changed his first name and added his kunya. He never called himself after anyone other than his father. This is a lie..

Share this post


Link to post
Share on other sites

His real name is Ahmed Abdi sxb ...... not Abdillahi and not abdirahman and even not abdiweli ,,,, just Abdi as a name.

 

 

Adding suffixes is even worse than changing his father's name ,,,,,, who knows, tomorrow he can be Cumar Abdiwaaxid abu sakhraan or something ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this