Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiirka Difaaca Soomalaiya iyo Safiirka Dowladda Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshey kulan looga hadalay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna mudane FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib istaraatiiji ah oo uu kala dexeeyo xiriir soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xoreynta, xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this