Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro iyo Xildhibaanno Ka Qeybgalay Xarigjarka Xarunta Deegaanka Gubadley

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta Deegaanka Gubadley ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan BFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Haweenka, Dhalinyarada iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Deegaanka Gubadley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale kulan Afur ah la qaatay Maamulka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gubadley, asigoona ka dhageystay horumarada ka jira deegaanka, baahiyaha ay qabaan iyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga.

Duqa Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabaneesay halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay ka go’an tahay sidii Deegaanka loogu dhameystiri lahaa Adeegayada Aasaasiga ah ee Bulshada, si loo gaarsiiyo Degmo ay adeegyadeeda u dhan yihiin.

Guddoomiyaha waxaa ka mahadceliyay wada-shaqeynta iyo isku duubnida ka dhaxeysa Maamulka Deegaanka, qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo laamaha Amniga, taasi oo deegaanka u horseeday in uu yahay mid amnigeeda wanaagsan yahay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this