Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka difaaca oo qaaday tallaabo cusub kadib fadeexaddii uu lugaha la galay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
434587050_898389895660951_40795729758302

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur oo maalmihii dambe wajahayay waji-gabax la xiriira gudashada waajibaadkiisa shaqo, xilli uu culeys xooggan ka jiro furimaha ayaa qaaday tallaabo cusub.

Wasiirka ayaa bilaabay in uu dib ugu laabto howlihii dagaalka, isaga oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyay garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna FEI Shengchao ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib istaraatiiji ah oo uu kala dexeeyo xiriir soo jireen ah.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xoreynta, xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Kulankaan ayaa imanaya xilli wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya su’aallo laga keenay inuu u qalmo kursiga, ayada oo lagu eedeeyay in uusan u qalmin xilka uu hayo, oo muhiim u ah dagaalka socda iyo howl-galada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

434630946_898389882327619_52881565506133

434627579_898389925660948_16694733765059

434567098_898389955660945_45354776057935

434587050_898389895660951_40795729758302

434564412_898389935660947_84067647278472

The post Wasiirka difaaca oo qaaday tallaabo cusub kadib fadeexaddii uu lugaha la galay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this