Sign in to follow this  
Deeq A.

Japan oo dib u bilowdo maalgelinta hay’adda UNRWA ee qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   
jabaan.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Japan ayaa qorsheynaysa in ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ka dib markii Israel ay baahisay in shaqaale kamid ah kuwa gurmadka hey’addaasi ay ka qeybqaateen weeraradii Xamaas ee 7-dii October.

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan Magaalada Tokiyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan Yoko Kamikawa iyo madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ,kuwaas oo kahadlay  siyaabaha kor ugu qaadi karo hufnaanta iyo hubinta raadinta lacagaha tabarucaadda ah iyo sidoo kale helidda shaqaale  dhexdhexaad  ah.

“Japan iyo UNRWA waxay xaqiijiyeen dadaallada lagama maarmaanka u ah dib u soo celinta tabarucaadkii Japan,” wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa bayaan ku sheegtay.

In ka badan toban wadan ayaa hakiyay dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA bishii Janaayo ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen in 12 ka mid ah shaqaalaha hey’addaasi ay lug ku yeesheen weerarada Xamaas ee koonfurta Israel.

Israa’iil ayaa ku doodday  in inka badan 450 shaqaale ah oo la howlgala UNRWA ay yihiin shaqaale militari oo ka tirsan kooxaha dagaallama ee Gaza,balse Qaramada Midoobay oo baadhay arrintaasi  ayaa sheegtay in Israa’iil aysan heyn ama keenin caddaymo muujinaya eedaymahaasi.

PUNTLAND POST

The post Japan oo dib u bilowdo maalgelinta hay’adda UNRWA ee qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this