Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasuuqii Siyaad Bare Ka Gaystay Somaliland Iyo Duuliyeyaashii Ka Qayb Qaatay Duqayntii Cirka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xasuuqii Siyaad Bare Ka Gaystay Somaliland Iyo Duuliyeyaashii Ka Qayb Qaatay Duqayntii Cirka

Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa……Dhacdo kasta oo dunida ka
dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada leh ee ay ka mid yihiin
Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyad gaara oo aan waxba
galabsan. sida caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta ha
qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto. Waxa jira Hadal
Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu maahmaaho, kaas oo ah*Cuqubo
halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa* Dulucda Murtidu xambaarsantahay ayaa ah Danbi
kasta halkii lagu galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama waa
la ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw labo sano ayaa xaflad soo
dhaweyn ah lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, Xafladaa ayaa lagu
maamuusay oo lagu soo dhaweeye Duuliye Soomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa
iyo Hareeraheeda oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka sii qaxaayey
dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu dayaarada ku siday ku
daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey Jabuuti. Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo
Xafladaha ay taariikhdu ku xustay, waxa ka ag dhaw oo iyana ay taariikhdu maanta
xusaysaa Duuliyeyaashii Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada ah ugu
garaacay Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii qaxaysay, kuwaas oo
Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen aan ku bayaamindoono
Qoraalkan badhtankiisa iyo Gabogabadiisa-ba.

Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo Xasuuqii
Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yacabka ahaa uu ka gaystay Gayiga Somaliland maaha mid
hal qormo lagu soo koobi-karaayo. Haddaba waxa aan qormadan ku soo qaadanaynaa
maanta Kaalintii Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii
Shisheeyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye Somaliland.

Sanadkii-1983…Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u siisay 14
Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood
oo ahaa nooca loo yaqaano Islander. Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday
khubaro aqoon u leh dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay
tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad
Bare iyo inta ka ag dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray.
Mr. Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku
helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu
yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu
siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4
Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba
waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la odhan
jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay Taliskii Ciidankii Cirka
ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo,
halkaas waxa laga abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga
keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa:

Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed…..Banaadiri.
Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto….Sool clan.
Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif…..Raxanweyn.

Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa Sherkedii
Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa
600,000 US Dollor. lacagtaas waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la
odhan jiray Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii
Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca Dhoodimeer waxa uu ka
turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla weynidii dalka ka jirtay sebenkaas.

Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku qaran…

Dhoodi-Meer LTD COMPANY
Account Number 140/1/02494515
National Westminster Bank
1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE
BERKELEY SQUARE
LONDON W1X 6AX
UNITED kINGDOM

Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka qariyey isla
markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey
in uu ka hortago wax kasta oo beentaa qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye
Faarax Siciid (Majeerteen) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo
Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (Mareexaan) oo isna ahaa Taliyihii Ciidanka cirka
ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay
duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo duunyo wixii ay arkaan, si ay u horjoogsadaan
Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd
in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka.

Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo
isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku
balaadhatay u habarwacday taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee
ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo.
Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf /Majeerteen) taliyihii ciidanka Cirka
ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo
Gaashaanle sare Duuliye Ali Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee
Baydhabo oo isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg ah
uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta ahaa ee hore u
socday.

Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar ayaa markay
arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah niyadoodii si la yaab leh kor ugu
kacday, waxaanay aamineen in iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la
abaabulay duulaan cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen
iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba sahan loo diray
dayaaradaha CESNA oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa:

1-Duuliye Ahmed Mohamed Mahamoud (Mareexaan)
2-Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)
3-Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)
4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen)
5-Xasan Yare…..(Ogaadeen)

Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo afjaro halgankii
SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si xidhiidha oo aan kal-g’olahayn habeen
iyo maalinba u socotay muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed
Maxamoud *Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob kasta oo uu
ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi
jirin. ninkaas oo Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo
Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii Kaalinta kowaad
ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay Somaliland iyo Shacabkeedii.
Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (Sool clan) ayaa isna
qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay
Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo (Mogadishu Clan..Abgaal). Mursal waxa uu ku duuli jiray
Mig 19.

Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga Somaliland waxa
ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran…..

1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle.
2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa.
3-G/sare Maxamed Adan Dirir (Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera.
4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen)….Duuliye Mig 17.
5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal)……..Duuliye Mig 19.
6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay
dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday….Cilad-farsamo
7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim (Awdal Clan)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay
dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday
8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen)………….Duuliye Mig 19,
Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday
9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)…………….Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay
dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday…..Cilad-farsamo
10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………….Duuliye Mig 19
11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo.
12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (Sool clan)……Duuliye Hunter.
13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…………Duuliye Hunter,
ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday.

Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la galeen Jabhadii SNM,
ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday
in magac mooyee aanay Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha
dagaalka, waxa la ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay
horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka Itoobiya u
qaxaayey.

Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii Shisheeyaha Calooshood u
Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen
dagaalkii. Jama-Buluug oo Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay
Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano iyo hal
dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa la dajiyey Guri dabaq
ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex (Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar
Ismaaciil*Casaro* ( Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga
Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie Robanson oo
Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu ahaa CESNA laba Mator-lay
oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq
Afgasho…*flight code: five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd
daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga soo
kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan danbiile ee hoos ku
qoran.

IMG-20181129-WA0009.jpg
1- J.R. Blythe Wood……Pilot.
2- M. Shegnuller………..Pilot.
3- D.R Jakson………….. Chie Engineer.
4- K.Jonnes…………….. Engines.
5- C.D Balfour……………Armaments.
6- J.D. Hurrel…………….Airframes.

Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada Calooshood u
shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku bedbedelijiray. Calooshood u
shaqaystayaashu marka ay hawda ku jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen
Code Names ahaa Jama iyo Diini. Labadaa magac ee ahaa Code names-ka, Jama waxa uu ka soo jeedaa Jama-buluug. Diini waa magaca Jifada-Qabiil ee uu ka soo jeeday kaligii-taliyihii Siyaad Bare

Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah Gumaadeen Hanti
badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u baqeen oo wey soo carareen.
Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u jaray dayaaradii uu watay ayuu isna
Baarashuud ama Dallad kaga booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la
yidhaahdo Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la
weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal la macno ah
Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa Dhaama* …….. Dhamaad.

Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo xigtay Buugga la
yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu yahay
Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran.

1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)
2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle.
3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii.
4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto…Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq)

By: Osman Abdillahi Sool….sooldhuub@hotmail.com
Freelance Journalist.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this