Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Amar Markale Duldhigay Gaadiidka Xamuulka ah iyo Maamulka Dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen JImcaale Madaale ayaa markale ku celiyay in socodka maalintii laga mamnuucay gudaha caasimadda gawaarida Kunteennarada Xamabaara, waxaa sidoo kale xadidaad lagu sameeyay xawaaraha ay ku socon karaan, kadib dhacdadii isgoyska Jubba ka dhacday.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gawaarida xamuulka ah aan dekadda laga soo fasixi Karin ka hor 10:00 Habeennimo si loo yareeyo khasaaraha ama shilalka ka dhasha marka ay shil ku yimaado oo haddii ay rogmadaan ay ku  duldhacaan gawaarida bi’elka ama kuwa Bajaajta loo yaqaanno.

“Hore Awaamiir badan ayaa looga soo saaray gawaarida xamuulka ah ineysan socon Karin maalintii oo habeenkii afarta saac marka ay tahay ama 10:00 habeennimo lasoo fasaxo ama dekadda laga soo fasaxo, marka dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday, iyadoo  waqtiga amarkaas la bixiyay” ayuu yiri GGB.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in dhacadadii isgoyska Jubba oo waqti dheer qaadatay gurmad in helaan shacabka dibka la kulmay, waxaana uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid dadkii ku geeriyooday shilka dhacay, kuwaas oo lagu sheegay geerida 2 ruux iyo dhaawaca 2 kale sida uu xaqiijiyay Madaale.

Shilka ka dhacay isgoyska Jubba ayaa waxaa la sheegay inuu sabab u ahaa gaariga xamuulka ah oo xowli ku socday oo soo galay isgoyska, dhacadadaan ayaa noqotay mid siweyn shacabku hadalhayeen, iyadoo dhowr jeer dhacdooyin sidaan oo kale ah ay ka dhaceen Muqdisho lama oga go’aankaan sida uu u badeli.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this