Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay Nuqulka kama danbaysta ah ee wax ka beddelka Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711626446136.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka akhriso Nuqulka kama danbaysta ah ee Wax-ka beddelka Dastuurka

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay Nuqulka kama danbaysta ah ee wax ka beddelka Dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this