Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Emirates Airlines oo beenisay in diyaarad ay leedahay Shil ku gali gaartay Hawada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711628727948.jpg?resize=720%2C48

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku gali gaartay hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay lee yihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Haddaba, afhayeen u hadlay Emirates Airlines, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira isku dhaca labada diyaaradood, wuxuuna tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay wargeyska Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Gulfnews.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA , ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha , iyagoo intaa ku daray in aysan labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon.

PUNTLAND POST

The post Shirkadda Emirates Airlines oo beenisay in diyaarad ay leedahay Shil ku gali gaartay Hawada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this