Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku-xigeenka Arimaha dibada oo Sharraxday Cawaaqib xumada ka dhallan Karta Haddii Caalamku Dayaco Aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku-xigeenka Arimaha dibada oo Sharraxday Cawaaqib xumada ka dhallan Karta Haddii Caalamku Dayaco Aqoonsiga Somaliland
Screenshot_20240322-000412_Chrome-620x26
Wasiir Rooda oo Qoddobaysay Guul-darada ka dhallatay Fikirka ah “Somalia mid ah”

Hargeysa(Qaran news):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa sheegtay in Somaliland ay ahmiyad weyn siinayso bedqabka iyo ilaalinta baddeecadaha ganacsi ee caalamiga ah ee maraya gacanka Cadmeed gaar ahaan maraakiibta sida shiidaalka iyo gaasta, si looga ilaaliyo budhcad baddeeda iyo argagixisada.

Wasiir Rooda Jaamac waxa ay sidaasi ku iftiimisay qoraal ay ku qortay barteeda X (Twitter), oo ay ku naqdiday wax loogu yeedhay Fikirka ah “Somalia mid ah” oo ay tilmaantay inuu ihaano ku yahay nabada iyo himilooyinka dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana fikirka noocaas ahi uu yahay mid la iskaga indho tirayo dedaalka ay Jamhuuriyadda Somaliland kaalinta kaga qaadan lahayd ilaalinta badda gacanka Cadmeed. waxaanay ku dooday in Soomaaliya ay ku guuldaraysatay inay wax ka qabato budhcad baddeeda iyo argagixisada.
Waxa ay caddaysay in weerarka budhcad baddeedu ka geysatay meel u dhow Xeebta Muqdisho ay tusmaynayso sida dawladda Soomaaliya ugu guul-daraysatay 17kii sannadood ee la soo dhaafay la dagaalanka budhcad baddeeda iyo kooxda Alshabaab.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu waxa ay dunida ugu baaqday inay ictiraafaan Somaliland si ay u xoojiso la dagaalanka budhcad baddeeda iyo argagixisada iyo inay Jamhuuriyadda Somaliland door ka qaadato xasilinta mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Rooda Jaamac waxa ay ku boorisay dalalka beesha caalamka ee danaynaya muhiimada marinka gacanta Cadmeed ay wax ka beddelaan siyaasadooda,kuna tallaabsadaan inay xidhiidh wax ku ool ah oo ku dhisan dan wadaag la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ay yaqiinsadaan aqoonsiga madax-bannaanideeda.

Ugu danbayn, Wasiir Rooda waxa ay ka digtay haddii dunidu dayacdo Somaliland inuu ka dhalan doono cawaaqib xumo saamayn ku yeelata gobolka Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this