Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Xizbullah oo gantaallo ku weerartay waqooyiga Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
2c1a4235-e98a-4b66-bbbb-9736cbd340ab_cx0

Kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan ee Iran ay taageerto ayaa gantaallo roobka kaga dhigtay waqooyiga Israel waxaana la sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen dad rayid ah.

Xizbullah oo ay xulufo yihiin kooxda Xamas, ayey gantaallo xuduudda isku weydaarsanayeen ciidamada Israel tan iyo markii uu billowda dagaalka Gaza ee Israel ku xasuuqday shacabka reer Falastiin.

Kooxaha samatabixinta ee Israel ayaa weerarka kadib meydad ka helay dhisme burburay oo ku yaalla magaalada Kiryat Shmona, sida uu sheegay madaxa adeegga gurmadka deg degga ah ee Magen David Adom.

Weerarka kooxda Xizbullah ayaa lagu tilmaamay mid jawaab u ahaa weerar dhimasho leh oo Israel ka fulisay Koonfurta Lubnaan sida uu sheegay sarkaal u hadlay Xizbullah.

PUNTLAND POST

The post Kooxda Xizbullah oo gantaallo ku weerartay waqooyiga Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this