Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Todobaadka danbe booqanaya dalka Sacuudi Carabiya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1711578685302.jpg?resize=720%2C40

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in uu Todobaadka soo socda booqasho ku tego dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorkan kulan rasmi ah la yeelanaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan sida laga soo xigtay ilo wareedyo diblomaasiyeed.

Safarka Madaxweynaha waxaa la sheegay in ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga, sababo la xiriira hadda in uu Sacuudiga arkayo in looga dheereeyay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Arrimaha uu Sacuudiga ka walaacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah; heshiisyada ay Soomaaliya la gashay Turkiga ee isugu jira difaaca iyo dhaqaalaha ee lagu doonayo in lagu soo saaro shidaalka.

Waxa la saadaalinaya in Sacuudiga uu usoo bandhigayo Soomaaliya heshiisyo iskaashi iyo in uu door ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha , sida ay sheegayaan warar diblomaasiyadeed oo madax-bannaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Todobaadka danbe booqanaya dalka Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this