Sign in to follow this  
QabiilDiid

Bandiiradley has become a graveyard for the invading tigren militia

Recommended Posts

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo dhulka soo dhigay Diyaarad ay leedahay Ciidamada Tikreega ah ee ka dagaalameysay Deegaanka Bandiiradleey.

 

Bandiiradleey, 25-December-06 ( Qaadisiya.com) Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee jihaadka kula jira ciidamada Saliibiyiinta Tikreega ayaa ku guuleystay in ay dhulka soo dhigaan diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay wateen Saliibiyiinta ku soo duushay dalka Soomaaliya,waxaana diyaaradaasi lagu soo riday deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug, ayadoo ay ku dhamaadeen dhamaan ciidamadii la socday diyaaradaasi.

 

Dagaalka qaraar ayaa si xoogan uga socda aaga Bandiiradley ayadoo mujaahidiinta Soomaaliyeed ay dib u riixeen ciidamadii Saliibiyiinta ahaa ee soo duulay, waxaana haatan labada dhinac ay ku dagaalamayaan hareeraha deegaanka Bandiiradley oo ay ku soo duuleen ciidamada Saliibiyiinta.

 

Sheekh C/Qani Qorane Maxamed oo ka mid ah culimaa'uddiinka Puntland ayaa u sheegay idaacada Shabele ee magaalada Muqdisho in mujaahidiinta Soomaaliyeed ay jabiyeen ciidamadii Saliibiyiinta ee ku soo duulay dalka Soomaaliya,waxa uuna sheegay in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay ciidamadii Saliibiyiinta oo daadsan hareeraha Bandiiradley.

 

"Ciidamadii Tikreega ee ku soo duulay deegaanka Bandiiradley jab xoogan ayaa loo gaystay, diyaarad helicopter ahna waa laga soo riday dhamaan ciidamadii la socdayna waa ay ku dhamaadeen" ayuu yiri Sheekh C/qani Qorane.

 

Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa jilibka u dhigay ciidamada Saliibiyiinta Tikreega,waxaana laga gubay Taangiyo ciidamadaasi,ayadoo laga laayay boqolaal ka tirsan ciidamadooda halka mujaahidiinta ay tiro yar kaga shahiideen jihaadka ay kula jiraan ciidamada Saliibiyiinta Tikreega.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this