Sign in to follow this  
General Duke

Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya oo Ka Dhici Doona Garoowe Caasimadda Puntland

Recommended Posts

Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya oo Ka Dhici Doona Garoowe Caasimadda Puntland

 

October 19, 20104 comments| leave your own!

Share Kulankii goalaha wasiirada dowalda puntlaanda ee maalintii shalay ayaa madaxawaynaha Puntland uu soo hordhigay qoaraal ku saabsan in caasimadda Puntland ee Garoowe lagu qabto cayaaraha gobolada Soomaaliya. Golaha wasiirada ayaa isku raacey in cayaaraha gobolada Soomaaliya lagu qabto magaalada Garoowe

 

Gudiga qaban qaabada Ciyaaraha Gobalda Somaaliayu ayaa maanta shir jaraa’id ku qabaytay xarunta madaxtooyada waxaan ugu harayn hadal kooban soo jeediya wasiir ku xigeenka wasaarda Isportig kasoo sheegay in ciyaaraha gobalda dalka la qaban doono dhamaadka Bisha November ee sanadkaan 2010.

 

Axmed Cigaal cawaale ayaa dhamaan gobalada dalka soomaaliya ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ciyaaraha gobolada ee lagu qaban doono magaalada Garoowe

 

Wasiiru dowalaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabda cayaaraha Gobolada Maxamed ciise Faarax Gaashaan ayaa sheegay in dowalda Puntland ay siwayan usoo dhawayanyaso in ay qabtaan ciyaaraha gobolda dalka soomaaliya

 

Mudane Gaashaan ayaa ugu baaqay dadka reer Puntland in ay soo dhaweeyaan dhalinta kala gadisan ee ka imaan doona gobolada dalka soomaaliya dhalinta ka imaanyasan goboda kale ay deegaanka Puntland uu yahay dalkoodii ay na ku soo dhawaadaan

 

Ciyaaraha goblada dalka soaamliya ayaa si rasmi ah ay dowalda Puntland ay maanta ugu dhawaaqaday in la qaban doono 25 November ayna ka dhici doonaan magaalada garoowe waxaana ciyaarhan haatan laqaban doono looga gol leeyahay sidii ay is dhex gali lahayeen dhalinta cayaaraha si ay dib ugu soo noolato isboortigii Soomaaliya.

 

Dalka Soomaaliya ayaa burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka hor ahaa 18 Gobol, gobolada koonfureed intooda badan waxaa ka taliya kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, in la cayaaro iska dhaafe waxa ay mamnuuceen in la daawado cayaaraha.

 

Dhanka kale Goboladii waqooyi ee Soomaaliya waxaa ka taliya Dawladda Somaliland, taas oo ku dhawaaqdey in ay dib ula noqotey xoirnimadeedi ayna tahay dawlad madaxbanaan oo aan ka tirsanayn Jamhuuriyaddii Soomaaliya, sida muuqata waxaa cayaaraha gobolada ka qaybgeli kara Gobolka Banaadir, Galguduud iyo Gobolada Puntland ka arimiso, haddii aan shaxda khariiadada Soomaaliya wax iska bedelin ka hor 25.November 2010.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka horseedmedia

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this