Sign in to follow this  
General Duke

IndaCade calls for a new Jihad after defeat..

Recommended Posts

Dagaalkii oo galay maalintii 5-aad iyo Indhacade oo ugu baaqay in Muslimiinta aduunku somaliya u yimaadaan inay jihaadaan

 

Posted to the MOL December 23, 2006, 9:51 am

 

 

Baydhabo:- Wararka maanta laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka dagaal kale ka dhacay deegaanka Idaale ee gobolka Baay halkaas oo ay maxkamadaha Muqdisho maalintii 5-aad ku soo daad guraynayaan dhalinyaro ay ka soo qafaaleen magaalada Kismaayo.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo madaafiicda goobta dagaalka ayaa wararka ugu dambeeyay ee ka soo baxay dawlada KMG ah waxay sheegayaan in qasaarooyin waaweyn ay gaareen maleeshiyada maxkamadaha.

 

Saraakiisha maxkamadaha Muqdisho ayaa shalay ku hanjabay inaysan wali dagaal xoogan galin balse maanta ay bilaabi doonaan dagaal xoogan ay ku qabsan doonaan magaalada Baydhabo. Hadalkaas oo ay dawlada KMG ah ku tilmaantay "nin daad qaaday xunbo cuskay" Hadday maxkamaduhu xoog intaan a weyn hayaan caruurta Muqdisho ma soo qafaaleen, waxayna illa tahay in laga arki lahaa jiida hore ee dagaalka ayuu yiri sarkaal ka tirsan dawlada KMG ah.

 

Dhinaca deegaanada Moode Moode iyo Daynuunaay ayaanu jirin wax dagaal ah ka dib markii sida dawladu sheegtay ciidamadii soo weeraray ee maxkamadaha la jabiyay balse ay hadda gurmad cusub ka soo wadaan magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale Madaxa waaxda amaanka golaha maxkamadaha islaamka Yuusuf Indho cadde oo maanta ka hadlay shir uu ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in maxkamaduhu martiqaad u fidiyeen ayna u furan yihiin muslimiinta caalamka inay ka jihaadi karaan gudaha Somaliya, isagoo sheegay Qof kasta oo Muslim ah inay ku martiqadayaan inuu fushado waajibkiisa Jihaad.

 

Horey ayaa Indhacade oo ka horey dagaal oogayaashii Somaliya ku cusumay argagixisada caalamka inay Somaliya Jihad u yimaadaan. Arintaas ayaa dhalisay in dhalin yaro badan oo aan ogayn waxa ka socda Somaliya run u maleeyeen jihaadka Indhacade Sheegay.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wariye Ka tirsan Shabelle oo xaqiijiyay tiro ka mid ah meydadka ciidamada Ethiopia oo yaala Idaale

 

Idaale 23, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Xaaladda deegaannada ku dhow dhow Iidaalle oo ay dagaallo ka dhacayeen maalintii 5aad ayaa gelinkii dambe ee maanta degneyd, iyadoo ciidamaduna ay wali is hor fadhiyaan.

 

 

Waxaa galinkii dambe ee maanta iskeed u istaagtey rasaastii ay is weydaarsanayeen ciidamo ka tirsan maxaakimta islaamka Somalia iyo kuwa dowladda ethiopia deegaanno ku dhow dhow Iidaalle.

 

Wariye Ismaaciil Cali Cabdi Taxte oo ka tirsan idaacadda Shabelle oo galabta gaarey Iidaalle isagoo ay la socdaan koox wariyayaal ah ayaa waxaa uu soo sheegey in gacantat ay si buuxda ugu hayaan deegaankaaasi Maxaaakiimt Islaamka Somalia oo ay waayahanba soo baxeysey sheegasho dhinacyo iska soo horjeeda inuu midba midka kale uu kala wareegay ah..

 

Waxaa uu soo sheegey in ciidamadii Ethiopia dib loogu riixey deegaanno dhinaca Baydhabo xiga oo dagaalladuna maantuna ay ahaayeen kuwo ka dhacaayey deegaanno ku dhow dhow xerada Manaaas ee dowladd KMG ah ciidamo ay ku xareysan jirtey.

 

Ismaaciil Taxte waxaa uu intaasi ku darey maanta intii ay waddada ku jireen oo ay u socdeen deegaanka Iidaalle ay iyaga iyo kooxda suxufiyiinta ay indhahooda ku soo arkeen ciidamo Ethiopian ah oo ku dhintey dagaalladii maalmahan socdey oo meydadkooda daadsaan wadooyinka deegaanka Iidaalle iyo halka laga soo galo.

 

Waxaa uu ku sheegey in caddooda ay gaarayaan inta ay arkeen illaa iyo wali 20 meyd,taasoo meydadka ka sakow ay arkeen ID Card-yo ay wateen iyo ducomintiyo kale oo muujinaaya in ka mid ahaaanshaha ciidamada Ethiopia ee ka dagaallamaaya qeybo ka mid ah Gobolka Baay

 

Waxaa uu sheegey in saraakiisha Golaha maxaakimta Islaamk Somalia ee ku sugan Iidaalle ay u sheegeen in tirada Meydadka Ciidamada Ethiopia ay intaas ka badan yihiin oo ay jiraan kuwo kale oo yaalla agagaarka deegaanada ay raasaastu ka dhaceysayey oo aaney suxufiyiintu siineyn iney halkaa tagaan.

 

Si kastab ha ahaatee waxa maalmahan jirey sheegasho dhinacyada dowladda KMG ah ee Somalia iyo GMIS oo ku aaddan Gacan ku heynta deegaanka Iidaalle ee Gobolka Baay,waxaana saraakiil ka tirsaneyd Maxakiimta Islaamka Somalia hore u sheegeen iney geyn donaan saxfiyiin meelahaasi ay qabsdeen oo ay kala wareegeen kuwa Ethiopia si loo soo ogaado runta halkaa ka jirta.

 

Wariye taxte oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa sawiro ka soo qaaday halkaasi oo maalamaha soo socda aad ka dawan doontaan bogga shabelle xaqiiqda dhabta ah ee halkaasi ka jirta.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib they have been crushed in their attacks on Baidoa. Their latest cries have proven this..

He did not have any camera right..

 

Jaalle Indahcadde oo manta mar kale u yeertay kooxaha argagixsda aduunka oo dhan.

 

 

Iyadoo maalmihii yaraa ee lasoo dhaafay ay khasare xooggan la kulmeen khasaarooyin aad uba'an ayaa kooxaha maxakimta Islamiga sheegta ee Muqdisho waxaa maanta mar kale ay u yeerteen Dhamaanba kooxaha argagixsada calamku in aysoo galan dalka Soomaaliya oo ay gacan siiyaan maxakimtooda islamiga sheegta.

 

"Waxaaan u yeraneynaaa dhamaanba dagalyahanadda Islaamiyiinta calamka ,waxana ka codsanaynaa in ay yimaadan halkan Soomaliya oo ay ka jihaadan"ayuu yiri jalle Indhacadde oo ka hadlayay shir jara'id oo uu manta ku qabtay Villa Baydhabo oo ah xarunta kooxda argagixisda ah ee al Shabaab.

 

Indhacadde waxaaa uu ku faanay in wax uu ku sheegay Itoobiyaan dalka Soo weeraray isagoo qiray jiritaanka dowladda federalka ee dalka Soomaliya.

 

Jaalle Indhcadde waxaa uu sheegay in ay aad ugu rajo weynyihiin in dagaalyanahada ISlaamiyiinta caalamku ay imandoonan oo ayna Soomaliya kasoo doonandoonan wax uu ku sheegay Janno.

 

Qeylo dhaanta kasoo badxaysa Jaalle Indahcadde ayaaa ah mide si buuxda uga tarjumeysa dhibaatooyinka baaxadda leh ee kooxaha argagixisada Soomaliya ay kala kulmen dagaladii ay la galeen dowlada federalka dalka Soomaliya oo soconayay maalmihii yaraa ee lasoo dhafay.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No crushing means that indacade running back to Mogadishu after the famous route in moode-moode and holding yet another press conference.

 

They even left the bodies of their soldiers in that area, 19 young men left to die, while the coward ran away to safety.

Ahmed ant news on Rambo Turki?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I am told Indhacade was flown out rather quickly by Sheikh Aweys to treat him for grave wounds in Saudi Arabia. Indhacade's death would have been a major blow to the ICU in terms of propaganda and morale. He does, of course, have the biggest mouth within the movement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Generale

shabab did not fight with any C/bile.

they fought with the best Ethio had offered.

Men from Eritrea.

 

you know in a fight their are casualties?

so far 50 shuhada with 300+ xabashi.

We know that no dhabayaco sustain a 30 min war with any militia group let alone the shabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

Somalia Militia Seeks Foreign Fighters

 

NAI10112221105_sp.jpeg

A Somali government soldier guards a path in Moode Moode a town nine miles from the government garrison town of Baidoai. Friday, Dec 22, 2006. Thousands of Somalis fled their homes Friday as government and Ethiopians troops used artillery to defend against Islamic fighters attempting to advance on the U.N.-backed regime's only stronghold. (AP Photo/Mohamed Abdulle Hassan Siidi)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this