Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Gobol markuu dal ismoodo

Recommended Posts

Add to the pile of ever growing problematic of Soomaali federalism qaladka laga fahmay. Dunida dhan ayaa laga soomaayaa and they pull this, just to spite dowladda dhexe. Yaab.

___________________

Maxaad ka ogtahay maamul goboleedka aan maanta laga soomeyn ee khilaafay DF?

Deegaanada Puntland ayaa maanta laga Soomin, kadib markii maamulka uu ku dhowaaqay in xalay deegaanadooda aan laga arkin bilashasa bisha Barakeysan ee Ramadaan, go’aankaas oo ka duwan midka dowladda dhexe, maadaama xalay Muqdisho looga dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Wasiirka Cadaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ay hareero taagan yihiin qaar kamid ah culimada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in aan Puntland laga arag bishii Ramadaan isla markaana ay maanta tahay maalinta 30 aad ee bisha Shacbaan.

Wasaaradda cadaaladda iyo culimada ayaa isku raacay in maanta la dhameystiro bisha Shacbaan, berina la Soomo maalinta koowaad ee Ramadaan.

“Bishii ma sugnaan sidaas daraadeed waxaan isla qaadanay annaga oo ah culimada iyo wasaaradda cadaaladda inay beri tahay Shacbaan, sodonkeedana aan buuxineyno” ayuu yiri mid kamid culimada Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa kusoo aaday, ayada oo xalay dowladda federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa isna goor sii horeysay oo xalay ah xaqiijiyay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxaa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabay Xaramka, kadib salaaddii Cishaha.

“Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

To be frank though  Diinta dawladi ma leh  even the saudis dont have authority over seeing the moon ,, meel kuma taal xadiith that the sacuudis should decide goorta dayaxa la arkay , they are not the islamic authority or the caliphate . So bugland haba qaldanadan oo  calaaam al islaam oo dhan haday ramadan isku raceen today , ay khilaafeen they should have a good reason for that , or maybe they follow the turkish calender

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.