Sign in to follow this  
Maaddeey

Kulanka Baarlamaanka KMG oo dib loodhigay

Recommended Posts

Maaddeey   

Kulanka Baarlamaanka KMG oo dib loodhigay.

By Somalimirror on 22 Apr, 2010 9:37 AM in Main, Wararka

 

Kulan lagu waday inay Maanta Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka KMG ayaa baaqday, waxaana sabab looga dhigay Miino baaris lagu sameynayo Xarunta iyo qalab wali ka dhiman, halka wararka qaarna ay sheegayaan in kulanka loo baajiyey sababa laxiriira Khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka.

Xasan Keynaan oo kamida Xubnaha Baarlamaanka oo u waramayey Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka lagu balansanaa Maanta oo Khamiisa loo baajiyey Miino baaris lagu sameynayo Xarunta Cusub ee lagu qabanayo kulamada baarlamaan oo aan kulmin mudo dhowr Bilooda.

 

Dhanka kale Xubno Baalamaanka kamida ayaa Shaaciyey in kulanku uu u baaqday Sababa laxiriira Khilaafka Xoogan ee Maalmahaan soo kala dhexgalay Xubnaha Baarlamaanka KMG, waxayna sheegeen Xubnahaas in xalinta Khilaafaadka kadib lafuridoono kulamada Baarlamaanka.

 

Khilaafka u dhexeeya Baarlamaanka ayaa Xiliyadii dambe sii kordhayey waxaana is Casilay dhawaan Gudoomiye ku Xigeynkii labaan ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore.

 

Hadalheynta kulanka Baarlamaanka ayaa saameyn ku yeelatay Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Waxbarashada Muqdisho waxaana saaka haawanayey oo aan lafurin Suuqa weyn ee Bakaraha iyadoo sidoo kalana la fasaxay qaar kamida goobaha waxbarashada cabsi laga qabo Duqeymo iyo Dagaalo ka bilowda Kulanka Baarlamaanka.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo Shalay Saxaafada kula hadlayey Xarunta loo dayactiray Baarlamaanka ayaa sheegay inaan mardambe dib loo dhigi doonin Kulamada Baarlamaanka wuxuuna intaa ku daray inay kaliya goobtaas ka dhimanyihiin Matoor iyo Codbaahiyeyaal.

 

Lama sheegin goorta dib loo furidoono kulanka Maanta baaqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this