Sign in to follow this  
Abwaan

Wadahadaladii Jabuuti oo maanta markale ka furmay Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda

Recommended Posts

Abwaan   

Posted: 1/15/2009 6:47:00 PM

Shabelle: JABUUTI

Waxaa Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti dib uga furmay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda KMG Soomaaliya iyo isbahaysiga dib u xoraynta Garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Shirka%20Jabuuti.jpg

 

Suleemaan Colaad Rooble oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga dib u xoraynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Caawa la hadlayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in maanta magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ay ka furmeen wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda KMG iyo isbahasyiga.

 

 

 

Waxaa uu intaa ku daray Suleemaan in halkaasi ay kawada hadeleen Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay in uu maanta ka baxay gudaha magaalada Muqdisho islamarkaana ay dhaqangaleen qeybo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti,waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in uu soo dhawenayo ka bixitanka ciidamada Ethiopia gudaha magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kulankaasi oo uusan Sulaymaan si toos ah ugu warbixin ajandayaashii looga hadlay ayuu sheegay in maalinta berri ah la soo bandhigayo qodabada kulamadaasi looga hadli doono iyo inta ay kulamadaasi soconayaan.

 

 

 

Wadahadalada maanta mar kale ka furmay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili la hadal hayo in ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo la sheegay in ay dooranayaan Barlamanka Labada dhinac oo la qorshaynayo in haatan la isku geeynayo.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this