Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops taking over Mogadishu security.....

Recommended Posts

Ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka oo Tababarka Loo Xirey oo Soo Gaarey Magaalada Muqdisho:

03/10/07

ciid-somali7275wirethumb.jpg

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Ciidamada Dowlladda Federaalka oo tababar ku qaadanaayey Goroonka Balli-Dooglle ayaa shaley waxaa tababarka u xirey Ra’iisulwasaaraha DFKMGS iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowlladda iyo Saraakiisha Ciidmada.

Ciidamadan oo tababar qaadanaayey muddo 2 bilood ah ayaa shaley loo xirey Leyliga militeri ee ay qaadanaayeen. Xoogagagn oo tiradooda lagu qiyaasey 6,000 – 9,000 ayaa waxaa isla shaley loo qeybiyey dharkooda meliteri iyo hubkooda, waxaana wejiga hore ee ciidamadaas loo soo qaadey magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradooda gaareysao illaa 4,500 askeri, waxaana la dejiyey halka loo yiqaanno xoosh oo magaalada ka yara baxsan.

Ciidamadan ayaa waxaa la xaqiijiyey in saacadaha soo socda ka howl billaabi doona isgoysyada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa loo kala qeybin doonaa meelaha ay amaandaridu ka jirto ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo soo gelidooda la hadal hayey dhowaanahan ayaa waxay door weyn ka qaadan doonaan sugidda amaanka magaalada Muqdisho oo faraha ka baxey.

Dhinaca kale waxaa Koonfurta Muqdisho ka socda abaabul weyn oo ay sammeeyanayaan kooxaha ku kacsan Dowlladda iyo qabaa’illada halkaas ku badan, kuwaas oo isu diyaarinaya inay la dagaallamaan ciidamada Dowlladda ee amaanka sugaya. Waxaa la xaqiijiyey laga billaabo xaafadda KPP(Kaso Popolare), Xaafadda Xerooyinka Dowlladda, Jidka Soddonka, Shiirkolo Offishaale illaa Suuqa Xoolaha waxaa ka socda diyaargorowga ugu dambeeya.

Dhjinaca Dowlladda inkasta oo warbixin rasmi ah aan laga haynin misana waxaa caddaan ah inuu jirayo howlgallo weyn oo lagu sifeeynaayo magaalada Muqdisho; la arki doonee halka ay ku dambeyso.

Diayaarad xamuul ah oo ay iska leeyihiin waddamada Afrikaanka ee soo daabulaayey Ciidmada Yugaandha ayaa saaka waxay soo caga dhigatey iyadoo Qiiq ka baxayo,waxaana halkaas ka soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sida ay wax u gareen diyaaraddaas.

Qaar ka tirsan kooxaha ku kacsan dowlladda ayaa sheeganaya inay iyagu wax gaarsiyeen diyaaraddaas, hase yeeshee markii aan la xirirrey saraakiisha Ciidamada Dowlladda ee ku sugan Goroonka Diyaaradaha ayaa sheegaya in diyaaradda dhaxdeeda uu qarax ka dhashey, iyadoo loo maleynaayo walaxaha qarxa ee Ciidmadu isticmaalaan ay ku qarxeen markii ay soo cagadhiganeysey.

Sidoo kale Sarkaal ka tirsanm Ciidmada Ethiopia ee ku sugan Goroonka Diyaaradaha oo khadka taleefoonka ku weydinney waxa diyaaraddaas gubey ayaa noo sheegey inay diyaaraddu markii ay soo cagadhiganeysey ay gudaheeda wax ka qarxeen, iyadoo aan la garanin wax qarxey waxa ay yihiin laakiin waxaa la sheegey inay siddey ciidamo iyo qalabkooda Meliteri.

Waxaana diyaaradda markiiba u gurmadey Baabuurta dab damiska ee ku sugan Goroonka magaalada muqdisho,waxaana markiiba laga soo saarey dadkii saarnaa diyaaradda, kuwaas oo iyagoo bad qaba oo aysan waxba gaarin dhulka soo gaarey, sida uu sarkaalkaas noo sheegey, ugu dambeyntiina waxaa lagu guuleystey in la Qaboojiyo Diyaaradda.

Ugu dambeyntii waxaa la xaqiijiyey in diyaaradda wax hub ah oo ku qarxey aysan jirin, hase yeeshee uu matoorkeedu kululaadey,qalabkeeda korontada istaabtey darteed uu qiiq ka baxey, waxaana markiiba lagu guuleystey in la qaboojiyo matoorka, Bayloodka diyaaradda oo la weydiyey xaaladda Diyaaradda ayaa sheegey inay diyaaradiisu bad qabto, ayna sii wadan karto Duulimaadkeeda.

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Salaad Cali Jeelle: "Dowladda si dhaqso badan ayay u sugaysaa Ammaanka Muqdisho"

Posted to the Web Mar 11, 12:55

Muqdisho (PP) – Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ammaankeeda wax weyn laga badalayo maalmaha soo socda.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaalyia oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso inay si deg-deg ah wax uga qabato ammaanka Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ciidammadii sugi lahaa caasimadda loo soo xiray tababarkoodii ay howlahooda ku gudan lahaayeen.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u xaqiijinaynaa in dowladda Soomaailya ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka Muqdisho, waxaana dhawaan la arki doonaan Muqdisho oo nabad ah, dhibaatana aysan ka dhicin” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo intaas ku daray: “Wax walba waa u dhameystiran yihiin ciidammada Ammaanka sugaya, mana dhacayso in Muqdisho ay ku sii jirto dhibaatadii hore oo kale” ayuu yiri Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn carrabka ugu adkeeyay in Garoonka diyaaradaha ammaankiisa uu yahay mid wanaagsan wax dhibaato ahna aysan ka jirin, wuxuuna yiri: “Waxa aan caddeynayno waa midda aad u jeeddaan ee ah ammaanka ka jira Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho”.

Hadalka Jeelle ee ku aaddan Garoonka ayaa yimid kaddib markii dhawaan diyaarad ay lahayd Dowladda Algeria ay qarax kala kulantay garoonka markii ay k soo dagtay, waxaase uu yiri Jeelle oo ka hadlayay diyaaradda: “Ma jirto cid dhibaato u geystay diyaaradda, balse waa qarax iyada ka dhashay, waxaana si weyn aan u beeninayaa wararka ay sii daayaan Argagaxisada ee sheegaya inay iyagu ka dambeeyeen qaraxa diyaaradda”.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay sidoo kale in diyaaradda aysan qabin wax dhibaato ayna dib ugu laabanayso dalkeedii.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa'id kaga hadlay arrimo fara badan

Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya, Salaad Cali Jeelle ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho shirkaas oo uu kaga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xaaladda ammaanka iyo diyaarad dhowaan dab ku qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mr Jeelle ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dawladdu ay magaalada Muqdisho ka bilaabi doonto hawlgal aad u baaxad weyn oo lagu sugayo ammaanka lagagana hor tegayo falalka lidka ku ah amniga, hawlgalkaas oo uu sheegay in muddo bil gudaheed ah lagu soo afjaro amni xumada ka jirta magaalada caasimadda ah, si loo difaaco dadweynaha rayidka ah.

Wuxuuna xusay in tilaabada ugu horeysa ay noqon doonto in magaalada laga nadiifiyo hubka lagu dhex wato kadibna loo gudbo dhinaca kale ee xoojinta amniga.

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in hawshan looga fadhiyo in ay soo afjaraan inta aan la gaarin 16ka bisha April xiligaasi oo uu Madaxweynaha Soomaaliya qabtay in shirka dib u heshiisiinta beelaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Mar uu kahadlayey diyaarad howaan uu dab ku qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in arrintaasi ay ahayd mid farsamo haddii ay sidaas ka beddelan tahay oo ay dhacdadaasi ahayd weerarna uu khasaaruhu intaas ka badnaan lahaa.

Salaad waxuu sheegay in xiligaan Dowlada ay u gudubtay inay sugto amniga ayna diyaarsan yihiin qorshe balaaran oo amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia lagu sugayo, isla markaasna laga gudbey la dagaallanka argagixisada.

Axmed Aar

SBC Boosaaso

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Ciidamadan oo tababar qaadanaayey muddo 2 bilood ah ayaa shaley loo xirey Leyliga militeri ee ay qaadanaayeen. Xoogagagn oo tiradooda lagu qiyaasey 6,000 – 9,000 ayaa waxaa isla shaley loo qeybiyey dharkooda meliteri iyo hubkooda, waxaana wejiga hore ee ciidamadaas loo soo qaadey magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradooda gaareysao illaa 4,500 askeri, waxaana la dejiyey halka loo yiqaanno xoosh oo magaalada ka yara baxsan.

You might want to inform the clan president the possibility of the ICU having infiltrated those ciidamo. BTW, those numbers might sound high, but few if any would think about sacrificing themselves for the sake of the occupiers or clan government.

Press conference by deputy Minister for defence..

I see the deputy is your favorite traitor.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Taliban, one can sense the frustration of your words. The clan courts fake "insurgency" which is now only based in a very narrow area of Mogadishu is running out of steam. Of course the media war will continue even afte all of them are rooted out of the city.

The TFG has many other troops undergoing training and who soon will be sent across the country.. So far all you guys have is hot air.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Afhayeenka madaxtooyada: "Waa la ogyahay in dalka ay ka jiraan dad fidno wadayaal ah oo doonaya in dalka uusan ka dhalan wax dow

GURIGA%20C.N..jpg

Ciidanka cidii awood u isticmaasho dabcan ciidanka dowlada awood ayay isaga cabin doonaan, cidii la shaqeysana waa soo dhoweynayaan" sidaas waxaa yiri Mudane Xuseen Maxamed Maxamuud, afhayeenka madaxtooyada dowlada federaalka Soomaaliyeed, ahna ku simaha afhayeenka xafiiska ra'iisal wasaaraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada tababarka soo dhameystay oo qaarkood shalay soo gaarey magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan hub ka dhigista iyo nabadeynta magaalada Muqdisho.

"16-sano ayaa loo bartay in hub si gaar ah iyo maleeshiyaad guryaha lagu geysto, mana aqbaleyno, in hub lagu dhex heysto magaalada Muqdisho, cid ku dhex heysaneysana ma jirto" ayuu yiri Afhayeenka.

"Waa la ogyahay in dalka ay ka jiraan dad fidno wadayaal ah oo doonaya in dalka uusan ka dhalan wax dowlad ah, waxbaana laga qabanayaa dadkaasi" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

"Waxaa socda wadahadalo iyo wacyi gelin, dabcan weji kasta oo hubka lagu dhigi karo, laguna nabadeyn karo magaalada dowlada wey qaadeysaa" ayuu yiri Afhayeenka.

Hub ka dhigista ciidanka dowlada ayaa sameynaya, guri guri ayayna u geli doonaan guryaha magaalada Muqdisho, ciidamada dowlada waxay ahaan jireen looma fiirinayee waxaa loo fiirinayaa waxa ay hadda yihiin, waana ciidan qaran…" ayuu yiri Afhayeenka.

Mataan Gaaboow Muqdisho

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Taliban, one can sense the frustration of your words. The clan courts fake "insurgency" which is now only based in a very narrow area of Mogadishu is running out of steam. Of course the media war will continue even afte all of them are rooted out of the city.

The TFG has many other troops undergoing training and who soon will be sent across the country.. So far all you guys have is hot air.

You didn't get it. The insurgency is in testing, reconnaissance and intelligence-gathering stage. It's waiting for as many foreign and collaborator troops to enter major cities & towns, and establish themselves there. When the stage completes, the insurgency will swing into full-blown guerrilla, hit-n-run, raid and shooting attacks, RPGs & IEDs, and asymmetrical warfare. What's more, the condition (security, health, finance, shelter) of the average citizen is only getting worse, and the clan government lacks the means and will to improve life for the average citizen. In essence, time is running out for the clan government and its occupier allies. You might want to advise the clan president about that.

Share this post

Link to post
Share on other sites

You didn't get it. The insurgency is in testing, reconnaissance and intelligence-gathering stage

Brother I must commend you, you are a warrior. However the truth is that the clan courts have run out of steam and these men are now confined to their houses and areas they reside in. They have no real startegy their command & control HQ has been decimated and now their remaining source of support and succour will be dealt with.

It is the TFG that is tightening the nose around the necks of all opposition groups, bandits and criminal elements..

Keep them coming..

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

However the truth is that the clan courts have run out of steam and these men are now confined to their houses and areas they reside in. They have no real startegy their command & control HQ has been decimated and now their remaining source of support and succour will be dealt with.

It is the TFG that is tightening the nose around the necks of all opposition groups, bandits and criminal elements..

You sound like a well-known neocon.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taliban:

quote:Originally posted by General Duke:

Taliban, one can sense the frustration of your words. The clan courts fake "insurgency" which is now only based in a very narrow area of Mogadishu is running out of steam. Of course the media war will continue even afte all of them are rooted out of the city.

The TFG has many other troops undergoing training and who soon will be sent across the country.. So far all you guys have is hot air.

You didn't get it. The insurgency is in testing, reconnaissance and intelligence-gathering stage. It's waiting for as many foreign and collaborator troops to enter major cities & towns, and establish themselves there. When the stage completes, the insurgency will swing into full-blown guerrilla, hit-n-run, raid and shooting attacks, RPGs & IEDs, and asymmetrical warfare. What's more, the condition (security, health, finance, shelter) of the average citizen is only getting worse, and the clan government lacks the means and will to improve life for the average citizen. In essence, time is running out for the clan government and its occupier allies. You might want to advise the clan president about that.
What you are describing here is the insurgency thats currently going on in Iraq. The short answer to this is: Not gonna happen in Somalia.

You often boast that the TFG soldiers are weak since their defending a wrong agenda. Fact of the matter is the ICU insurgents lack this, and don't have the religious mentality to launch a full-fledged insurgency since they now that their ideology and tactics in many way collides with essential Islamic teachings.

The few hit-and-run criminals and self-proclaimed insurgents will be easily captured in due time.

Jabhad   

Xoogagga wax iska caabinta oo ugu baaqay maleeshiyaadka Kooxda Embagathi in ay isi soo dhiibaan

Submitted by calicad on Sun, 2007-03-11 19:19.

Baaq ay soo saareen xoogagga wax iska caabinta ee ka soo horjeeda ciiddanka cadowga Tikreega iyo maleeshiyaadka Somalida ah ee la soo marin habaabiyey ayaa ku baaqay in maleeshiyaadka Soomaalida ahi ay ku soo biiraan xoogagga difaaca diinta iyo dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u isutaagay in ay dalka iyo diinta ka difaacaan ciiddanka cadowga Tikreega iyo Dhaaquudyadooda dalka ku soo duulay.

Xoogagga wadhaniyiinta ah, Muslimiintana ah ayaa sheegay in aanay waligood ka laaban doonin in ay dalkooda iyo diintooda difaacaan, waxayna baaqooda ku sheegeen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee la soo marin habaabiyey aanay ku haboonayn in ay diintooda iyo dalkooda kala saftaan cadowga Allaah.

Dhalinyaradaas ayaa loogu yeeray in ay hubkooda iyo xoogoodaba ku soo biiriyaan xoogagga Ilaahay guusha u ballan qaaday ee difaacaya diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Kitaabka Allaah.

Waxaa iska cad in dhalinyaradaan Soomaaliyeed aanay diintooda iyo dalkooda m idna necbayn, laakiin badankooda lagu qalday arimo qabiil iyo darajo aan la gaarayn, waxaase xaqiiq ah in shaqsigii darajo aakhiro iyo mid aduun labadaba doonayaa uu ka raadsho meeshii Allaah ka ballan qaaday ee ahayd difaaca ku dhaqanka Kitaabka Ilaahay iyo Sunada Rasuulkiisa Moxamed ah.(CSW)

Ugu danbayntii haddii aad doonaysaan in aad guulaysataan labada daaroodba, ka hara, kana hor imaada KUfaarta iyo kuwa u adeegaya soona raaca Kitaabka Allaah iyo kuwa kor u qaadaya.

cadaado.net

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this