Sign in to follow this  
booxaroampdildishi region

Faroole”Atam Waxa Taakulayn Jiray Beeshiisa Kuwa Ku Jir Somaliland

Recommended Posts

Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole ayaa Maanta Waraysi uu siiyay BBC-da ku sheegay inay ka Guulaysteen Kooxdii Atam isla markaana ay dileen 96- Ruux oo ka Tirsanaa Ciidamada Atam waa sida uu hadalka u dhigay, isaga oo Beeniyay Haba Yaraatee inaan dhankooda wax khasaaraha oo saas u Buuran la Gaadhsiin.

 

Dr Faroole ayaa Hadalkiis u Muuqda mid Is Burinaya isaga oo Horay Saxaafada uga sheegau Bishii Julay ee isla sanadakan in Kooxda Atam ay Yihiin Al-Shabaab isla markaana ku xidhan Al-Qaacida, ayaa Waraysigiisa Maanta waxa laga Dheehanayay inay ahaayeen Koox isku Baahaystay Qabiil oo Taakulaynta ka Hela dhanka Somaliland.

 

“Kooxdaasi waxa ahaayeen Rag Dhaqaalaha ka hela Somaliland oo isku Beel ah dhamaantood Dhahar bay ka soo jeedaan Lacagta iyo saadka waxa u soo qaadi Jiray Rag ay ka mid ahaayeen Faarah Caga Wayne iyo Ahmed Jiini Taag, sidoo kale waxa ka mid ahaa Raga Budhigayaasha u ah Muuse Jaamac Dalaf oo ah Taliyaha Aaga Sanaag ee Ciidamada Somaliland Waxaanu ka Codsan Somaliland inay Gacanta ku dhigaan Ragaasi oo ay Noo soo Gudbiyaan waayo Labada Maamul Khadar wayn bay ku Yihiin” Ayuu Yiri Faroole.

 

Madaxwaynaha Pl ayaa Tibaaxay dhanka kale in Xidhiidh dhanka Sirdoonka ah uu ka dhexeeyo Maamlkiisa iyo Kan Somaliland isla markaana Xoogagii Atam ay ku Sugan Yihiin dhanka Bari ee Burco iyo Dhanka Galbeedka ee Magaalada Ceerigaabo.

 

Muuse Jaamac Dalaf oo Loo Yaqaan [suldaanka] ayaa ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Sanaag u qaabilsan Somaliland waxana uu Guutooyin Hubaysan ku haystaa Duleedka degmada Ceerigaabo, sidoo kale Ahmed Jeeni Taag ayaa ah isna Ragii Hogaaminayay Dagaalkii Sanadkii 2005- ka dhacay Buuraha GalGala.

 

Faarax Ismaaciil Ducaale oo loogu Yeedhay [Caga Wayne] ayay Waalo Yihiin Jaamac Ismaaciil Ducaale [Doonyaale] kaasi Dagaalkii Buuraha GalGala ay Puntland ku dishay.

 

Isku soo xooriyoo Warkan ka soo Yeedhay PL iyo dhamaan Masuuliyiinta la eedeeyay oo Gobolka ka soo wada jeedaa ayaa Meesha ka saaraysa Warkii ahaa Buuraha GalGala iyo Atam Kooxdiisu waa Al-Qaacida waana Rag isu Tegay oo Beelo badan leh.

 

Xasuusin:-Docda kale waxaanu Dhawaan idiin Soo Gudbin Waraysi kala Gadisan oo aanu la Yeelandoono Masuuliyiinta Faroole eedeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareysi ay idaacada SPR la yeelatey taliyaha Ciidanka Somaliland ee saldhiga Sedexaad Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ka jawaabay wareysigii uu Madaxweyne faroole siiyey BBC da.

 

Maalin dhaweyd ayay ahayd mar ay ciidamada S/land is hortaageen ciidamada Puntland oo rabay in ay fariisimo ka sameystaan deegaanka degmada Dhahar gudeheeda, iyodoo ay ciidamada S/land diyaar garow ka wadeen magaalada gudaheeda iyo dibadeeda ayaa waxaa wareysi aanu la yeelaney todobaadkii hore Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ah taliyaha ciidamada gobolka Sanaag ee maamulka S/land oo sheegay in ay Dhahar tahay S/land isla markaana ay ka difaacayaan cidii damacda in ay qalqal galisa.

 

Maanta ayaa waxaa bbc da ka hadlay madaxweyne Faroole oo sheegay in ay ciidamada S/land ay caawiyeen ciidamada Atam, isagoo carabaabay shaqsiyaadkii ka dagaalamay dagaalkii Majiyahan oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo. Faroole ayaa S/land ka codsadey in ay la shaqeeyaan Puntland dagaalka ay kula jirto Atam.

 

Hadalka ayaa waxaa ka jawaabay Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ka Hadley idaacada SPR oo isla markaana sheegay in uu Faroole kala Hadley isagoo sheegay in uu marna idaacada bbc da u sheegay in ay la dagaalamayaan beel marna sheegay in ay la dagaalamayaan argagixiso, Korneylka ayaa ka codsadey hadalka kala maanka ah ee kasoo yeerey Faroole in uu dhinac isugu duwo.

 

Col. Muuse Jaamac ayaa sheegay in hadii ay cid dambi lagu eedeynayo in Faroole uu caalamka ku eedeeyey in uu yahay Burcad badeed. Col. Muuse Jaamac oo isla markaana ah isin Suldaan ah oo kasoo jeeda degmada Dhahar ayaa sheegey in ay nabada ka shaqeynayaan isla markaana ay iska difaacayaan cid allaale iyo cidii kusoo xad gudubta.

 

HALKAAN KU DHAGAYSO MP3

 

Jaamac Muuse

 

spr@spr.fm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalka ayaa waxaa ka jawaabay Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ka Hadley idaacada SPR oo isla markaana sheegay in uu Faroole kala Hadley isagoo sheegay in uu marna idaacada bbc da u sheegay in ay la dagaalamayaan beel marna sheegay in ay la dagaalamayaan argagixiso, Korneylka ayaa ka codsadey hadalka kala maanka ah ee kasoo yeerey Faroole in uu dhinac isugu duwo.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weligay Qof madaxweynaha Puntland ka run badan ma arag :D

War ma ummad dhan oo miskiin yar oo maan la' daba gasha ayaa la arkay marka Doonyaale iyo Garaad Cali Ciid laga reebo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horaa loo yidhi "Ama marka hore ragga lama doondoonto ama marka dambe lama yaabyaabo" .... Maalin dhowna wuxuu odhan doonaa Atam Maraykankaa ka dambeeya ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this