Sign in to follow this  
General Duke

Kimsayu: latest tension is high..

Recommended Posts

KISMAAYO: Cabsi xooggan oo laga qabo dagaallo saacadaha soo socda ka qarxa Duleedka Magaalada Kismaayo

Posted to the Web Oct 11, 07:55

 

 

Kismaayo (PP) - Cabsi weyn ayaa laga qabaa inuu dagaal aad u xoog badan ka dhex qarxo saacadaha soo socda Maxkamadaha iyo Col. Barre Hiiraale oo ay malleeshiyooyinkiisa ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Kismaayo halka lagu magacaabo Beer-xaani.

 

Maxkamadaha ayaa waxay sheegeen in Malleeshiyooyinka Barre Hiiraale ay ka soo kubaareeyeen dhowr meelood ayna xaaladda qarka u saaran tahay inay dagaallo xoog badan isaga horyimaadaan, waxaana ay carrabka ku dhufteen in dagaal dhaca uu yahay mid lagu kala badbaadayo.

 

Sarkaal u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay in Malleeshiyada Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Deegaanka Beerxaani ay yihiin kuwo helay saanad milateri oo aad u xoog badan isla markaana ay yihiin kuwo awooddoodu ay tahay mid aan la dhayalsan karin, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay noqonayso inay ka awood badiyaan oo ay eryaan iyo inay magaalada qabsadaan mar kale middood.

 

Dhanka kale; Sarkaal u hadlay Malleeshiyada Col. Barre Hiiraale oo lagu magacaabo Col. Mukhtaar kuna sugan Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbda dhexe ayaa sheegay inay ka go'an tahay dhankooda inay la wareegaan Magaalada Kismaayo mar kale, waxaana uu sheegay inay dagaalka ka galayaan goobo fara badan.

 

Dadweynaha Degmada Kismaayo oo ku taalla xeebta Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan dagaallada laga cabsida qabo inay dhex maraan Maxkamadaha iyo kooxaha ka soo horjeeda ee horay looga eryay deegaanka Kismaayo.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

A sahan based milita sits infront of Bu'aale; panic sets in and they empty the Lower Jubba allowing Cabaas to come in and reinforce the militia in Beerxaani. :D

 

A Southern force will come upon Kismaayo led by Col Cabaas Gurey;

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting news indeed.

 

KISMAAYO: Cabsi xooggan oo laga qabo dagaallo saacadaha soo socda ka qarxa Duleedka Magaalada Kismaayo.

 

The title really scares me.

 

But I hope the Government forces retake the City.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal ka tirsan IDJ: Waan weerareynaa Kismaayo

 

 

Mogadishu 11, Oct.06 ( Sh.M.Network) Sarkaal ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale oo ku sugan qeybo ka mid ah J/dhexe ayaa sheegay in ay ka go'an tahay weerar ay ku qaadaan maxkamadaha islaamka, si ay dib ugu qabsadaan magaalada Kismaayo.

 

Col. Muqtaar Salagle oo ka tirsan Saraakiisha Barre Hiiraale ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ku sugan Beer-xaano ay u dhan yihiin saanadooda, isla markaana ay heeystaan cudud Militari oo dib ay ugu hanan karaan magaalada Kismaayo.

 

Waxa uu sheegay in aaneey jirin cid awood ahaan ay kaga baqayaan in duulaan ahaan ay ugu imaado deegaankaasi, iyaguna ay ku sii siqayaan marba marka ka dambeysa magaalada Kismaayo.

 

Muqtaar Salagle waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay qeybo ka mid ah J/dhexe, isla markaana ciidamadooda ay ka gali doonaan meelo badan magaalada Kismaayo.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli ciidamada Maxkamadaha ay sheegeen in ay ku duulayaan maleeshiyooyinka ku sugan Beer-xaane.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha Kismaayo oo weerar ku ah Beer-xaano

 

 

Mogadishu 11, Oct.06 ( Sh.M.Network) Sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Maxkamadaha islaamka ayaa ku hanjabay in ay weerar ku qaadayaan ciidamo taageersan Barre Hiiraale oo la sheegay in ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo hubeysan.

 

Iyadoo ilaa iyo shalay laga dareemayay magaalada Kismaayo dhaq dhaqaaqyo iyo diyaar garow ay sameynayaan ciidamada Maxkamadaha islaamka ayaa hadana sarkaal ka tirsan Maxkamadaha islaamka waxa uu ku hanjabay in ay weerar ku qaadayaan ciidamo la sheegay in ay taabacsan yihiin barre Hiiraale oo jooga beer-xaano.

 

C/laahi Axmed Warsame oo ah ninka amaanka ugu qaabilsan Maxkamadaha Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in ay ka war heleen in hub iyo saanado Militari ay soo gaareen maleeshiyadaasi, oo uu sheegay in ay halis ku yihiin amaanka.

 

Waxa uu sheegay in ay jireen wada hadalo ay wadeen odayaal oo ku aadan sidii ay isku soo dhiibi lahaayeen maleeshiyadaasi, balse waxa uu sheegay in wada hadaladu ay noqdeen kuwo odayaashu ay ugu daneeyeen maleeshiyooyinka in ay jaanis u helaan in ay isku uruursadaan deegaanka Beer-xaano.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa suurto gal ah in ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka ay u baqoolaan deegaanka Beer-xaano.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shab

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope and I wish will not make Kismayo come under warlord Hiiraale, it needs a forceful effort on your cowardly side to secure that dream of yours.

 

Let's see your end in this useless attempt!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Alle-ubaahne:

I hope and I wish will not make Kismayo come under warlord Hiiraale, it needs a forceful effort on your cowardly side to secure that dream of yours.

 

Let's see your end in this useless attempt!

You talk about Kismayo I hope the ICU an defend Mogdishu once the battle starts and I serious about that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Alle-ubaahne:

what about if you lose?

That's impossable at this moment.

 

Pulse the men you seem to call a war-lord is the Defence Minister of a dowad that is rallying behind him 100%.

 

He is going to be the men that returns real dowlanimo back to Mogdishu. He is going to be the Men that takes President Abduallhi Yusuf to villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wouldn't be surprised if you would say this in 1992 or early in ninties, but I wonder how dare you forget that we were in year 2006, and that all Somalis are fed for such mere lies of the so-called fictitious government of criminal/warlord Abdullahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this