Sign in to follow this  
Mintid Farayar

Ciidmo gadoodey oo Bosaso gaarey

Recommended Posts

Ciidmo gadoodey oo Bosaso gaarey

 

Jul 23, 2008 - 8:41:21 AM

 

Ciidmo gadoodey ayaa saaka Bosaaso soo gaadhay kuwaasi oo rasaas fara badan riday iyaga oo argagax xoogan ku abuurey shacabka Bosaaso, Ciidamdaan ayaa la sheegay inay ka soo boqoleen dhanka magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag kuwaasi oo la sheegay inay waayeen wax Mushaharo iyo Raashin ah, taasina ay ku kaliftey inay soo baneeyeen Saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

 

Ciidamadaan ayaa watay Gaadiid dagaal kuwaasi oo qadar xirey wadooyinka magalada Bosaaso, waxaana horkacayey Laba Sarkaal.

 

Askari ka mid ah Ciidamadaasi gadooday oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa GO u sheegay inay mudo la'aayeen mushaharadkodii ay xaq u lahayeen kadibna ay ka soo guureen fadhiisimihii horay loo geeyay.

 

Sarakiisha ciidamada Booliska oo aanu la xidhiidhnay bal inay arinkaasi ka warbixiyan ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan ciidamadaasi soo gadooday, iyada oo maanta magaalada Bosaaso laga dareemayay dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan.

 

Ciidamadaan ayaa bishan horaanteedii la geeyay degmada Laasqoray ee Gobolka Sanag kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Somaliland ay gudaha u soo galeen magaalada, taasi ayaa keentay in Puntland ay ciidamo ku daadgurayso jiidaha Sanaag.

 

Xukumada Cadde Muse ayaa waxaa dhibato xoogan ka haysata bixinta mushaharadka shaqaalaha, ciidamada Darawiishta iyo Booliska taas oo sababtey amni daro ku baahda cariga Puntland.

 

Garowe Online,Bosaaso

 

http://www.garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
sunaari   

^

Even though there are may be some truth into this incident,do not take it serious on this outlet, they live their own planet to fabricate bad news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this