Che -Guevara

Somaliland and Ethiopia signs "Historic" MoU on access to Red Sea and Establishment of Naval Base

Recommended Posts

9 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Muuse Muqayil will see the wrath of Ismaaciil Cumar Geelle. Wax badan ayuu koolkooliyey marka dhankiisa karbaashka ma arkin. Nabsigii Reer SSC ayaa ka soo baxay, wuxuu hub iyo dhaqaalo siiyaba Muuse.

Have u noticed how geele is pretty quiet. To be honest he must be making. Hours behind the curtains . Laakin he can’t openly condemn Ethiopia. For they are his first bussiness client . He is not like Somalia . Somalia iyo itoobiya. Xiidhidh ganacsi oo sida u weyn maleh 

Share this post


Link to post
Share on other sites
6 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

Have u noticed how geele is pretty quiet. To be honest he must be making. Hours behind the curtains . Laakin he can’t openly condemn Ethiopia. For they are his first bussiness client . He is not like Somalia . Somalia iyo itoobiya. Xiidhidh ganacsi oo sida u weyn maleh 

Ismaaciil siyaasadiisa hoos ayuu ka wadaa and one thing we know is that Muuse seriously betrayed him, considering how he stood beside thick with him in Sool.

Of course Xabashada iskuma diraayo, but he will arm Reer Awdal, siiba laftiisa. If Muuse thinks war-weary ragtag Xabashi ciidamo can support him, wuu riyoonaayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Itoobiya oo sheegtay in dowladaha gobolku ay ka warqabeen heshiiska ay Somaliland la gashay

 

 

 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dowladaha gobolku gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen isfahamka ay la gashay Somaliland kahor inta aan la saxeexin kowdii bishan.
 

 

Lataliyaha Amaanka ee Raysal Wasaare Abiye Axmed Redwan Xuseen, ayaa sida Addis Standard qortay sheegay in kahor intii aan heshiiska la gaadhin ay bishii October dubulumaasiyiin u direen waddamada Bariga Afrika, si loola wadaago is fahamka Somaliland iyo dalkiisa ka hor intii aan la saxeexin.

Redwan Xuseen waxa uu sheegay intaa wixii ka danbeeyay in ay waddamada gobolku ka warqabeen heshiiska, waxa uu yidhi "Waxa kali ah ee waddamada gobolku anay ka warhayn waxa uu ahaa aqoonsiga Somaliland, saamiga diyaarada ee aanu bixinayno, iyo marka uu Madaxweyne Biixi iman doono".

Redwan Xuseen waxa uu sheegay in Somaliland ay siisay saldhig millateri taa badalkeedana ay Somaliland u aqoonsanayaan dal madaxbannaan.

Xafiiskii Somaliland ee Itoobiya oo awal la odhanjiray Mishanka Somaliland ee Itoobiya iyo Midowga Afrika, ayaa hada loo badalay Safaarada Somaliland ee Itoobiya, sida uu baahiyay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu aad uga soo horjeedsatay isfahamka dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ku macnaysay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay, waxayna sheegtay in anay marnaba aqbali doonin in heshiiskani uu fulo.

Dhinaca kale, Somaliland oo 33 sanno kahor si hal dhinac ah uga noqotay midowgii salka u ahaa Jamhuuriyadii Soomaalida, isla markaana aqoonsi raadinaysay muddo dheer ayaa is afgaradkan u aragta mid muhiim u ah qadiyadeeda.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.