Sign in to follow this  
Che -Guevara

Who is Cali Jimcaale?

Recommended Posts

Paragon   

11-11-2007

Cali Jimcaale Oo Ka Baxay Liiska Cidii Cali Geedi Bedeli Lahayd Iyo Xasan Sh Cali (Imaamka) Oo La Hadalhayo

 

 

Prof Cali Jimcaale oo wax ka bara Queens College oo New York ku taala iyo Iskuulka qalinjebinta ee City University ayaa dib ugu laabtay magaaldda New York kadib markii ay isaga iyo Itoobiyaanka isla keeni waayeen qabashadda xilkii Cali Geedi ka tagay

Cali ayaa warar ku dhow dhow sheegayaan inay kulmeen safiirka Maraykanka Itoobiya u fadhiya iyo madaxda maamulka TPLF ee Adis-ababa ka arrimiya, halkaasoo ay dood dheer ku yeesheen. Jimcaale ayaa sheegay in hadii la doonayo inuu kasbado kalsoonidda dadka reer Muqdisho ay laga maarmaan tahay in la helo sedex qodob oo arrinkaas muhiim u ah kuwaaso culays ku noqday dawladda Itoobiya qodobadaas ayaa kala ahaa.

 

1- In la mudeeyo taariikhda ay ciidanka Itoobiyaanka Soomaaliya ka baxayaan

2- Inuu la hadli karo cid walba oo soomaali ah oo maamulka Mbagathi kasoo horjeedda

3- Inuusan Adis-ababa uga amar qaadanaynin aaya ka talinta arrimaha xukuumadda.

 

Dhinaca kale, warar kasoo baxaya Nairobi ayaa sheegaya in C/llaahi Yuusuf ruuxiisa uu ka biyo diiday una arko Cali Jimcaale inuu yahay nin uusan wax walba marsan karin, iyadoo dhallinyaradda C/llaahi ku dhowna ay ku eedeeyeen Cali inuu horay maqaallo lid ku ah C/llaahi uu u qoray.

 

Ciddii Geedi bedeli lahayd ayaa si wayn loo baadi goobayaa iyadoo dadkii wax isku falayey ay dhammaantood arrinkaas ka gaabsadeen ama sharuudo ku xirayaan. Warar lagu kalsoon karo ayaa sheegaya in Cali Mahdi iyo rag kale ay wadaan sidii Md Xasan Sh. Cali oo Malaysia ku diyaarinayey shahaadada PHD looga dhigi lahaa qofka buuxinaya jagadii Geeddi banneeyey. Labaatameeyo qof ayaa jagadan u tartamaya iyadoo inta badanna lagu wado inuu noqdo nin kasoo jeeda jufadii Geeddi maadaama siyaasadda Soomaaliya ay haatan beel ku salaysan tahay.

 

Sidoo kale waxaan muuqan qof si gaar ah loo hadal hayo ama lagu xiriirinayo inay wataan Ameerikaanka ama Itoobiya oo ah labada quwadood ee iyagu gacanta ku haya arrimaha Soomaaliya. Haddii aysan tani soo bixin ama lala iman waji cusub oo madax bannaan oo wadahadal ka shaqeeya, waxaa markaasi yaraan karta wax iska bedela xukuumaddii Geedi laga tagsiiyey.

 

5 Stars - Excellent4 Stars - Good3 Stars - Average2 Stars - Fair1 Stars - Poor

4.5 / 5 (4 Votes)

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

We have had a geeljire, a vet and now a poet.

 

Habashidu maxay keeni doonan kan ka dib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Lets give him the benefit of the doubt though, ha la arko waxa uu keeno bilaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by me:

We have had a geeljire, a vet and now a poet.

Habashidu maxay keeni doonan kan ka dib.

Mid gabdhaha guda.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by me:

Hahahhaahahha hey its a posibility. Juje shall we market you as one of those
:D

Looooooooooooooooooool......!

Ama la iga badhsa saxiibo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this