Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Annual Training for Somaliland Civil Service Heads of Departments Opened Today

Recommended Posts

M/Weyne Siilaanyo Oo Tababar U Furay Agaasimeyaasha Wasaaradaha

 

October 19th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta 50 xubnood oo isugu jiray Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah u furay tababar sadex cisho ah oo lagu lafo-gurayo Warbixin ay soo diyaariyeen Guddi Madaxweynuhu u xil saaray tayaynta shaqada iyo shaqaalaha dawlada, kuwaasi oo ka koobnaa Afar Wasiir iyo Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha.

 

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay furitaankii tababarkan wuxuu Agaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha u soo jeediyay in ay dedaalaan waxaanu carabka ku dhuftay xilkasnimada ay iyagu la yimaadaan ay kor u qaadi karto tayaynta adeegyada ay bulshada u hayaan waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn ii ah inaan tababarkan aad igu marti qaadeen idinkala qayb galo waxaad ogsoon tihiin Anaguna aanu ogsoonahay in shaqada maamulka dawladu idinka idinku socoto, waxaad ogtihiin marka aynu xukuumad kasta ka hadlayno, tayaynta iyo farsamada guud ee shaqada cida dejinaysa ama dhigaysaa ee shaqada maalin walba gacanta ku hayay waa idinka (Agaasimeyaasha). Waxaanu ku faraxsan nahay inaad maanta halkan kaga tashanaysaan sidii aynu dalka u hoggaamin lahayn.”

 

waxaynu balan qaadnay inaynu isbedel la nimaadno, inaynu saacadihii la shaqeynayay iyo qaabkii shaqada wax ka bedelo oo musuqmaasuqii lala dagaalamo si aynu tusaale ugu noqono inaga iyo dhalinyarada soo socotaba.”

 

“Anigu haddii aan madaxweynihii qaranka aan ahay waxaan idinka balan qaadayaa wixii xuquuq shaqaalaha loo sameeyo, in xilka iyo waajibka nagala gudboon aanu ka soo bixi doono oo aanu gacan idinka siin doono, waxaanu idinla qaban doonaa wixii lagama maarmaan inoo ah.Ha’yadaha caalamiga ahi inay wax badan inagala shaqeeyaan waxay ku xidhan tahay sida aynu inagu uga shaqeysiino ee aynu u nidhaahno waxaas ayaanu doonaynaa inaad nagala shaqaysaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay Ha’yada shaqaalaha dawlada oo uu ku ammaanay qaban qaabada Tababarkan.

 

Waxa kale oo tababarkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo ka waramay qorsheyaasha Hayada shaqaalaha dawlada, waxaanu tilmaamay in muddadii bil iyo dheeraadka ahaa uu xilka hayay inay naaqisheen macluumaadka shaqaalaha 30 Ha’yadood oo dawli ah oo isugu jira Wasaarado iyo Ha’yadaha dawliga ah ee madaxa banaan.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha dawlada loo kala samayn doono darajooyin ay ku mushahar qaataan waxaanu madashaasi kaga dhawaaqay in shaqaalaha dawlada mushaharka loo kordhin doono marka la darso macluumaadkooda, aqoontooda isla markaana la jaan gooyo baahida shaqada qaranka.

 

Tababarkani waa kii u horreeyay ee loo qabto Agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud ee cusub.

 

Somaliland.org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this