Sign in to follow this  
Deeq A.

Xujo weyn oo hortaalla Ra’iisul Wasaare Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-2.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xamza ayaa hal sano iyo bar kahor ka soo tagay magaalada Kismaayo, isaga oo Axmed Madoobe kasoo qaatay Xildhibaan u muuqday abaalmarinta kaalintiisi fududeynta dib usoo doorashadii Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland 2019-kii, markaas oo la qabtay doorasho aan nooceeda hore loogu arag labada heer dowladeed ee Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in guddigii doorashada uu qabaa’ilka ku yiri kursi walba 3 qof u keensada kadibna qofkii uu Axmed Madoobe qaato ayaa Xildhibaan idin ah.

Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda, haddana booqashada Xamza ee maanta ee magaalada Kismaayo ayaa wadan wax su’aallo siyaasadeed ah oo ka imaanaya reer Jubbaland.

Markii Xamza laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa ku kala qeybsamay sida uu kaalin uga qaadan doono xal siyaasadeedka gobolkaasi kala taagna dhowrka sano.

Qaar waxay qabeen in uusan wax aragti ah ka laheyn arrimaha Jubbaland ama uusan u abuurneyn dhiiranaan siyaasadeed, qaarna waxay qabeen inuu gacanta ka qaban karo Axmed Madoobe.

Sanad kadib magacaabistiisi qolada hore ayaa u dhoweyd xaqiiqada oo ra’iisul wasaaruhu si weyn ayuu uga baxsaday inuu furo qadiyada Jubbaland xilli uu Axmed Madoobe si weyn ugu raftay reer Gedo, dhinaca kalena uusan waxba u hanbeynin qabaa’ilka kale ee deegaanka.

Siyaasadda qeybta badbaadada mar adiga ayaa isfurta marna duruufaha ayaa ku furta. Xamza oo u dhowaa inuu magac xumo siyaasadeed ka qaado sida uu iskaga indho tiray arrimaha Jubbaland, ayaa waxa furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dagaalka ka dhigay ajendihiisa koowaad, gadaalna iskaga dhigay arrimaha doorashooyinka ee heer maamul goboleed.

Inkasta oo ay jiraan dad badan oo weli diidan inuu Axmed Madoobe iska fadhiyo meesha, haddana Xamza xitaa haddii uusan rabin inuu wax ka qabto ama uusan ka qaban karin wuxuu hadda haysta fursad uu iskaga jeedin karo dadka reer Jubbaland, taasi oo ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran.

Safarka ra’iisul wasaare Xamza ee magaalada Kismaayo wuxuu kusoo aadaya iyada oo uu taagan yahay qorshe ku saabsan in la beddelo haykalka dowladnimada oo la tirtiro jiritaanka kursiga ra’iisul wasaaraha, iyada oo la qaadanayo nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) hoggaamiyaha Jubbaland oo wax ka saxiixay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii May ayay hadda wararka sheegayaan inuu cago jiid bilaabay kadib markii uu la kulmay dad badan oo siyaasiyiin ah oo ay magac guud wadaagan, kuwaasi oo diidan isbeddelka uu wado Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza inkasta oo uu xafiiskiisa sheegay inuu Kismaayo u tegay u kuur-galida xaaladaha daadadka, la-dagaalanka argagixisada iyo inuu mashaariic dhagax dhigo, haddana taas waxaa ka muhiimsan in uu Axmed Madoobe dib ugu soo qanciyo inuu kaalintiisa ka qaato fulinta heshiiskii hore loo wada galay.

Madaxda maamullada qaar ayaan hore idinku sheegnay inay hal ujeedo ka lahaayeen heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, qoddobkaas oo ahaa muddo kororsigooda, balse aanay dhamaan qoddobada kale rabin inay kala shaqeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo hadda u soo shaac baxeysa si tartiib ah.

The post Xujo weyn oo hortaalla Ra’iisul Wasaare Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this