Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyey Muuqaalka qaabkii ay u qafaashay Markab laga leeyahay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa baahiyey muuqaalka qaabka ay ulla wareegeen markabka uu leeyahay Maalqabeen u dhashay Israa’iil.

Markabka Galaxy Leader ayaa laga qabtay badda cas Axadii, waxayna ciidamada Xuutiyiinta u adeegsadeen Diyaarad Helikobter ah oo siday askartooda.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la wareegida maraakiibta ay leeyihiin shirkadaha kasoo jeeda Israel.

Shirkada leh Markabka la qafaashay ee Galaxy Leader ayaa saldhigeedu yahay dalka UK, balse Maalqabeenka shirkadaasi hoos tagto ayaa ah nin Israa’iili ah.

Markabkan ayuu hadda u kireysnaa shirkad Jabanees ah oo codsatay in loo soo sii daayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this