Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa qarxiya habeen kasta xarumaha shirkadda Hormuud ee Muqdisho iyo daafaheeda?

Recommended Posts

Deeq A.   
hormuud.png?fit=904%2C517&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro ku bilowday xarumaha shirkadda Hormuud ee ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

Xiliyada habeenkii ah waxaa qaraxyo lagu weeraraa xarumaha shirkadda Hormuud, qaraxyadii ugu dambeeyey waxaa xalay lagu weeraray xarumihii shirkadda ee deegaanka Garasbaaley.

Ugu yaraan labo xarumood ayaa xalay Hormuud looga qarxiyey deegaanka Garasbaaley, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, balse waxaa ku burburtay hanti badan.

Habeenadii lasoo dhaafay waxaa la qarxiyey xarumo ay shirkaddu ku laheyd Deyniile, Ceelasha-biyaha iyo goobo kale.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xarumihii la qarxiyey aan dib loo furin, sidoo kale lama cadeyn cidda qarxineysa xarumaha shirkadda.

Inkastoo maamulka shirkadda Hormuud aysan ka hadlin weerarrada ku socda, balse xubno ka tirsan shirkadda ayaa noo sheegay in Shabaab ay geystaan qaraxyadaan oo habeen kasta lala eegto xarumaha shirkadda.

Dhankooda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin qaraxyada lagu weeraray dhowr xarumood oo shirkadda Hormuud ay laheyd, lamana yaqaan waxa uu salka ku hayo khilaafka sababay in la beegsado xarumaha Hormuud, xiliyada habeenkii ah.

Al-Shabaab waxaa la sheegay in qaraxyada lala beegsaday xarumaha shirkadda ay u adeegsadeen miinooyin la dhigay banaanka dhismayaasha Hormuud, waxayna beegsadaan xiliyada habeenkii ah.

The post Yaa qarxiya habeen kasta xarumaha shirkadda Hormuud ee Muqdisho iyo daafaheeda? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this