Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo soo riday diyaarad wax basaasta oo Mareykanku leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Fallaagada xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iiraan ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Mareykanku leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo xuutiyiinta.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ay diyaaradda nooca MQ9 ku soo rideen xeebaha Yemen.

Tallaabadan waxaa xaqiijiyay afhayeenka milateriga Xuutiyiinta dalka Yemen.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Washington ay ka feejigan tahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe, iyadoo xulafadeeda dhow ee Israa’iil oo si weyn uga soo horjeeda Tehraan ay ururka Xamas kula dagaalameyso Qasa.

Fallaagada Xuutiyiint Yemen, waxay taageero buuxda ka heystaan Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this