Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu attack: fingers point to Ahlu Sunna militia

Recommended Posts

Wadaado lagu diley masjid ku yaala Koonfurta Galkacayo

12 Aug 12, 2009 - 1:51:50 AM

 

Shan kamid ah Wadaadda loo yaqaan Tabliiqa kuwasoo ku caan baxey fidinta diinta Islaamka una dhashay  wadanka Pakista ayaa xaley lagu diley masjid ku yaala diilinta kala barta Woqooyiga iyo koonfurta Galkacayo.

 

Masjidkan oo ku yaala agagaarka Iskulka H/Dhexe ee Ummadda ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in dilkaan ay gaysteen koox Maleeshiyo ah oo afku u duuban yahay kuwasoo xoggo lagu kalsoon yahay xusayan iney ka tirsan yihiin kooxaha islaamiyiinta ee ku dagaalama gobolada dhexe.

 

Shanta qof ee dilka loo gaystey ayaa kamid ahaa 25 Wadadd oo Tabliiq ah kuwaasoo malintii shaley 11 August,2009 kasoo dagey Garonka Galkacayo kadib-na a y gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland balse la sii daayey markii wax laga waydiiyey wadaada tabliiqa ee reer Puntland ah.

 

Alaha u naxariisteen wadaadaan oo ayaa labo kamid ah dhaawacooda la dhigey Isbitaalka guud ee Galkacayo iyadoo xaalkooda gacanta ku hayaan dhakhaatiirta..

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilkaan ay fuliyeen maleeshiyaa d ka tirsan Ahlu -sunah wal-jamaaca kuwaasoo dagaalada ka socda gobolada dhexe kula jira ururada Al-shabaab iyo Xis-bul-Islaam.

 

Afhayeen u hadley Ahlu-sunah Waljamaca ayaa beeniyey iney ku lug leeyihiin dilkaan isaga oo sheegey iney baarayaan.

 

Garowe Online oo wax ka waydiiyeey maamulka Puntland dhacdadan ayaa waxey noo sheegeen in dhowaan warsaxafeed kasoo saari doonaan dhacdadaan.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo Wadada Tabliiqa lala beegsado dilkaan oo kale iyada marar hore waxyeelo loogu gaystey masaajidyo ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Wadaadda Tabliiqa ayaa alaaba waxaa bartilmaameedsada kooxaha tuhunka ka qaba in ururka Al-Shabaab ay tageero ka helaan dad ajaanib ah oo ka yimidaada aduunka daafihiisa kale sida Koonfurta Barri ee Asia.

 

Garowe Online, Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Ehlu Suna oo beeniysay in ay lug ku leedahay dilkii xalay kadhacay.

12.

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Ururka Ehlu Suna Waljameecah ayaa beeniyey in ay lug ku leeyihiin Dilkii xalay lugu dilay xubno ka tirsanaa Ururka Tabliiqa ee magaaladaasi Gaalkacyo Masjid weyn oo kuyaala.

 

Ehlu Suna ayaa sheegay in aysan waxba kala socon arrimahaasi, isla markaasna ay ku daba jiraan warbixino cadeynaya halka ay ka soo jeedaan dadkii ka dambeeyey falkaasi.

 

Afhayeen uhadlay Ururkan oo lasoo hadlay AllPuntland ayaa cadeeyey in aysan waxba kala socon arrintan, isagoo ugu baaqay dadka magaalada Gaalkacyo in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo kala dambeynta.

 

" Marnaba kama danbeyno arintaasi, waxaan maqalnay warka sheegaya in ay Ehlu Suna wax ka ogeyd dilkaasi oo aan aaminsan nahay in uu yahay mid aad uga fog Diinta Islaamka iyo Xeerarka Madaniga ah, waxaana ugu baaqaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaalka aan wadno ee nabad raadinta ah aana ku difaacayno Diinteena Islaamka ah" Ayuu yiri Hadal hayeenkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Siciid.

 

Beenintan Ehlu Suna ayaa ku soo beegmaya xili xalay magaalada Gaalkacyo lugu dilay Shan wadaad oo ahaa Wadada loo yaqaano Tabliiqa, isla markaasna mudo dheer ku jiray fidinta Diinta Islaamka.

 

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin arintaasi, waxaana magaalada saaran bandow deg deg ah markii ay faraha ka baxday xaaladaha magaalada Gaalkacyo, isla markaasna maanta maalinteedii todobaadkii hore lugu dilay Wasiirkii Warfaafintii Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyo Sufiyo ah oo wadaado Tabliiq ah ku laayey Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Posted to the Web Aug 12, 09:00

 

Gaalkacyo:-Waxaa xalay lagu laayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhankeeda koonfureed wadaado Tabliiq ah ee ku caan baxay Fidinta Diinta Alle iyo dacwada .

 

Wadaada Tabliiqa ayaa waxaa ay ka soo jeedaan dalka Pakistaan waxaana lagu dilay Masjidka Towfiig oo in yar u jira Iskuulka Hoose /Dhexe ee Umada ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Kooxaha geystay falkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxo qaab qabiil ay u hubeyso Itoobiya lana baxay ahlusuna .

 

Wadaada Dhintay xalay waxaa lagu sheegay ilaa 5 waxaana dhaawac kale la geeyey Isbitaalka Galkayo Medical Centre waxaana la soo sheegayaa in xaalkoodu uu liito.

 

Ilaa haatan lama garanayo ujeedada ka danbeysa dilkan balse wuxuu ahaa mid abaabulan oo la rabo in fitno la dhex dhigo umada Islaamka.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koox hubeysan oo Maleeshiyo ah ayaa qaaday weerarkaasi, oo ay la beegsadeen Masjid weyn oo kuyaala Agagaarka Iskuulka H/Dhexe ee Umada ee Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xigaa dhinaca Koonfureed ee magaalada.

 

Kooxaha geystay falkan ayaan la garan karin, waxaana warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay jiraan tuhumo lugu tuhmayo dhinacyo kala gedisan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhuujiye   

Falalka noocyadaan wakusoo badanayaan Galkacyo ayaantan, waxaa loobahan yahay madaxweyne Faroole in uu waxkabadalo xaga amniga hadii kale meeshiisa ayaa loogu imaanayaa sida madaxweyne Sheikh Shariff.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynuhu waxaa uu sheegay falkaani in uu ka dhacay meel ka baxsan meelaha maamulka Puntland uu ka arrimiyo, oo ay meeshu tahay dhanka maamulka Gal-Mudug, laakiin wuxuu tilmaamay in ay lagama maar-maantahay in la iska kaashado sidii caddaalada loo hor keeni lahaa raggii falkaasi gaystay.

 

M/weynuhu waxaa mas’uuliyiinta maamulka Gal-Mudug ka codsaday in ay awoodda saaran soo qabashada raggaasi falka gaystay, wuxuuna sheegay ciidanka ammanka Puntland in ay arrintaasi gacan ku siinayaan.

 

Md. Faroole, wuxuu sheegay wadaadada la laayey ee Tabliiqa ahi in ay ahaayeen kuwo masaakiin ah oo markasta u taagan fidinta Dacwada islaamka, laguna yaqaano in ay ka madax-bannaanaayeen is qab-qabsiga diineed ee dunida ka jira.

 

Dhanka kale m/weynuhu waxaa oo shacabka magaalada Galkacyo ka codsaday in ay si dhab ah ammaanka uga shaqeeyaan gacan buuxdana ay siiyaan ciidanka ammaanka si looga hor tago falkasta oo liddi ku ah nabad-galyada gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Five Pakistan sheikhs killed in central Somalia

12 Aug 12, 2009 - 2:07:24 PM

 

GALKAYO, Somalia Aug 12 (Garowe Online) - A group of Muslim sheikhs who were visiting Somalia as part of efforts to spread the peaceful message of Islam have been targeted and killed near a mosque, witnesses and officials said.

 

The 25-man group, reportedly from Pakistan, arrived by airplane on Tuesday in Galkayo, a town in central Somalia that is partly controlled by the Puntland regional government.

 

Puntland authorities told Somali news agency Garowe Online that the group of men are part of Islam's Tabliiq movement and were questioned by Puntland police before being allowed to enter Galkayo.

 

But on Wednesday, masked gunmen attacked a mosque along Galkayo's north-south divide where the Tabliiq group was praying. Puntland controls north Galkayo.

 

Five members of the group were shot and killed, while two others were rushed to a local hospital for gunshot wounds, according to local sources.

 

Puntland President Abdirahman Farole, who has been in Galkayo since last week's assassination of the state's information minister, immediately condemned the killings.

 

"I urge Ahlu Sunnah [Wal Jamee'a] militia in south Galkayo to cooperate with Puntland security forces in apprehending the attackers," Puntland's leader said.

 

A spokesman for Ahlu Sunnah, an Islamist militia allied to Somalia's transitional federal government in Mogadishu, rejected rumors that Ahlu Sunnah gunmen killed the foreigners. But he vowed that Ahlu Sunnah is "investigating" the killings.

 

Separately, Al Shabaab spokesman Sheikh Ali Dheere told reporters in Mogadishu that the Tabliiq group was targeted the same way another Tabliiq group was killed inside Mogadishu's Al Hidaya mosque in April 2008.

 

He vowed "revenge" for the killings, but did not say exactly who Al Shabaab believes committed the crime. Ahlu Sunnah and Al Shabaab have been fighting for control over districts in the central region of Galgadud since late 2008.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Very good news this happened. These pakis where their to teach taliban behaviour. Well they chose the wrong country. Good riddance they are gone. All of them should be shipped back to where they came from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Dhuujiye:

Falalka noocyadaan wakusoo badanayaan Galkacyo ayaantan, waxaa loobahan yahay madaxweyne Faroole in uu waxkabadalo xaga amniga hadii kale meeshiisa ayaa loogu imaanayaa sida madaxweyne Sheikh Shariff.

According to Duke, this event has nothing to do with Buttland and Faroole. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Galkacyo is the epitome of anrachy and all that is aganist humanity. May God unleash a Tsunami on that cursed village.

 

The killing of the Pakistani Culumas is inhuman. I was in total shame when I read about this, while with some Pakistani collegues. I hated being a somali. How can one do this insdie a mosque?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Hold up there lad, you aint a saint and Galkacyu did not kill anyone, some armed militiamen killed these innocent men.

 

It will not change anything, the city will transform itself as it is to important to be left as it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this