Sign in to follow this  
AYOUB

Hargeisa Bridge Project

Recommended Posts

AYOUB   

Baaq Ku socda dhamaan Dadka Reer Somaliland

 

Muwaadin

 

Maskaxdaada iyo Muruqaaga

 

Garaadkaaga iyo Gacantaada

 

Ayaa Horumarka Dalku ku Jiraa

 

Mudane: sida aynu wada Ogsoonahay, Raxmaadkii Gu' ee Da'ay April 2005, Khasaarihii ay geysteen  waxaa ka mid ahaa uguna muhiimsanaa Biriijkii labaad ee Hargeisa  ee Caasimadda (sibidhlaydii) oo uu dhamaantii daadkii qaaday, iyo kii waynaa ee Faras-magaalaha Caasimadda oo dhaawac gaadhay. taasina waxay muujinaysaa in haddii Raxmaadkii oo kale Da'aan (Raxmaanku waa sidaynu Illaahay ka TuugaynoNuqsaan la'aane). ay suurta gal tahay in dhibaato intaa kabadani iman karto, Alle kama yeelee.

 

haddaba si arrintaa looga gaashaanto, waxaa shir isugu yimi Xukuumadda, Culumadda ,Ganacsatada, iyo wax garadka dagan Caasimadda .warbixin tilmaamaysa in hay'adihii caalamiga ahaa hungo lagala kulmay ka dib, waxa la go'aansaday.

 

1- in reer Somaliland isku tashadaan, meel kasta oo ay joogaan si ay Dalkooda u horumariyaan.

 

2- in Guddi loo saaro wax ka qabashada arrintan iyo Guud ahaanba horumarinta caasimadda, Guddidaas oo ka kooban Culimada,   Ganacsatada, waxgaradka, hay'adda waddooyinkaQaranka, Guddoomiyaha G/ Hargeisa iyo Duqa caasimadda.

 

3- inay u madax banaanaato hawsheeda.

 

4- waxaa loo bixiyey Guddida Dhismaha Biriijka Hargeisa iyo Horumarinta Caasimadda . waxaanay ka kooban tahay 17 xubnood

 

Muwaadin hordhacaa iyo warbixintaa kooban ka dib. anaga oo aaminsan isku tashiga iyo iskaashigu inay yihiin tiirarka ay ummadi horumar ku hanan karto, kuna gaadhi karto himiladeeda Baryada iyo baraarug la'aantuna ay yihiin Astaanta dibu dhaca waxaanu kula socodsiinaynaa si aad waajibkaa wadaniga ah een Aakhiro iyo Aduun toona kaa lumayn u gudato, in aad wixii talo iyo tusaale ah ama Gacan iyo wax tar ah aad ku soo hagaajin karto Canaawiintan iyo Accounts kan hoos ku qoran.

 

E-mail :   biriij@hotmail.com                     Account: Dahab shiil :  D7450

 

Telesom: 002522 511411                          Bank Of Somaliland  :US Dollar A/c No. 149

 

Telcom:  002522 300056                           Somalilan shilling A/c  No.     335

 

Xoghayaha Arrimaha Dibada & Gudaha Cabdillaahi ismaciil Cali (Cirro)  +2522 424440

 

ahna Gudoomiyaha Gobolka Hargeisa

 

Xoghayaha Arrimaha Dibada & Gudaha Maxamed shukriJamac   Tell: +2522 426199

 

Xoghayaha Maktabka:   Cabduraxmaan Cumar Siigo 002522 410747

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Bixinta Qandaraaskii Dhisida Biriishka labaad ee Caasimadda Jumhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa

 

Shirkad wadaniya oo lagu magacaabo ADCON ayaa ku guulaystay qandaraaski lagu bixinayay dhismaha Biriishka labaad ee caasimada Somaliland ee Hargeysa ka dib markii dhawr kulan oo qorshayn iyo qiimayn ku saabsan arrintan laga yeeshay labadii bilood ee u danbeeyay.

 

Fadhi ay yeesheen guddiga dhisida Biriishka 2aad ee Hargeysa taariikhdu markay ahayd 10/01/2007 ayaa lagu go'aamiyay in la sii daayo tartankan qandaraaska lagu bixinayo dhisida biriishka laga bilaabo 11/01/2007 lana soo xereeyo qiimaynta 4/02/2007. Waxa tartankan ka qayb galay afar shirkadood oo isku soo hadhay markii qiimayn hordhac ah la sameeyay shirkadihii soo xereeyay waraaqihi ka warbixinayay aqoonta, tayada iyo qalabka . Laba ka mid ah shirkadahaasi ka soo baxay qiimayntii hordhaca ahayd waxay ahaayeen wadani halka mid kale ahayd jayniis (Chinese ) takelana ahayd itoobiyan (Ethiopian).

 

Waxa qiima sheegtoodii soo xereeyay sedax shirkood oo ka mid ahaa afartii qaatay waraaqaha lagu tartamay. Sadexdaa oo kala ahaa mid wadani iyo labadii ajanabika ahaa halka shirkadii afraad ee wadaniga ahayd ka hadhay tartanka.

 

Waxa waraaqihii sadexda shirkadood ee tartamayay lagu furay shir ay iskugu yimaadeen guddigii dhisida biriishka taariikhdu markay ahayd 4/02/2007. Qiimaha ay shirkaduhu soo bandhigeen waxay kala ahaa yeen sidan:

 

1.        ADCON                                        $1,168,261.00

2.        SAYT ENG.                                  $1,627,084.00

3.        China Construction Company         $2,260,608.50

 

Ka dib markay wakiiladii shirkaduhu ku saxeexeen waraaqihii ay soo kudbiyeen shirka hortiisa ayaa loo saaray gudi farsamo oo ka koobnayn lix farsamo yaqaan (Engineers) si ay u soo hubiyaan saxnimada qiimaynta ay soo gudbiyeen shirkaduhu una soo gudbiyaan aragtidooda midda ay doorbidayaan. Waxa loo balamay kulan kale oo lagu go'aamiyo bixinta qandaraaska taariikhdu markay tahay 8/02/2007.

 

Ka dib markay gudida farsamo darastay shirkasta arrimaha kala ah:

1.        Tayada qalabka

2.        Waayo aragnimada shaqaalaha, gaar ahaan farsamo yaqaanada

3.        qorshaha shaqo

4.        Lahaansha waraaqaha shaqada ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryayntu bixiso

5.        Qiimaha ay shaqada ku qabanayaan marka la barbardhigo ta uu u qoondeeyeey Injineerka Biriishka oo ahayd $1,241,671.00 oo la rabay in ay 10% ka sarayso ama ka hoosayso tan Injineerka biriishka

 

Haddaba, guddigii injineeradu waxay ku soo taliyeen in la siiyo qandaraaska shirkada wadaniga ah ee la yidhaahdo ADCON ka dib markay qodobada kor ku xusan kaga wanaagsanaatay labadii shirkadood ee kale.

 

Ka dib markii la soo gaba gabeeyay suallahii iyo jawaabihii laga bixiyay doorashada shirkadan wadaniga ah, waxa la go'aansaday in qandaraaska la siiyo shirda wadaniga ah ee ADCON. Waxase laga codsaday shirkada in ay soo gudbiyaa magacyadda injineerada mashruuca iyo goobta shaqada (Project manager and site engineer). Shirkaduna waxay balanqaaday in ay soo gudbinaso magacyadda injineerada ka hor inta aan la saxeexin waraaqaha qandaraaska.

 

Halkaasa lagu soo gabagabeeyay kulanadii la xidhiidhsanaa bixinta qandaraaska dhisida biriishka labaad ee Hargeysa. Iyadda oo shaqada dhisidda biriishka la bilaabayo bil ka bacdi marka la saxeexo heshiiska qandaraaska si ay shirkadu u diyaarsato qalabka shaqada lagu qabano sida heshiisku dhigayo.

 

 

Gudd1.jpg

 

Aadan Axmed Diirye, Gudoomiye, bidix iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Xubin, midig

guddida2.JPG

 

hawl5.JPG

 

 

hawl3.JPG

 

 

more info and pictures

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^^Thats what i call working for the betterment of your country.

 

It will be interesting going back after four years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice work. I'm running a project in which I'll invest $2-5 MUSD in Hargeisa the coming year, although it would constitute a great FDI, I hardly believe it would be looked at as investing in a "country". Rather it would be like investing in a state like Puntland (state of Somalia). Anyways it's good progress since the roads & infrastructure over there aren't up to par of the population increase.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this