Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ONLF Prisoners Released from Jigjiga Jails

Recommended Posts

Xabsiga weyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ayaa laga sii daayay maxaabiis badan oo isugu jirey rag iyo dumar. Maxaabiistan ayaa wajigooda ka muuqday farxad, kadib markii ay maanta nasiib u yeesheen in laga siidaayo xabsiga. Maxaabiistan ayaa ka ugu badan xidhnaa tobon sano, meesha kan ugu yar xidhnaa hal sano, halka inta kale u dhaxeeyeen toban ilaa halsano.

 

Maxaabiistan ayaa waxa qudbad gaaban u jeediyey Gudoomiyaha ONLF Enj: Saalaxdiin Macow, oo u sheegey maxaabiista in ururku qaatay nabad, loona baahan yahay in laga shaqeeyo nabad, hada wixii ka danbeeya. Maxaabiista ayaa gudoomiyuhu ka codsaday in ay ka daba dhahaan, nabada ma ka wada shaqeynaa, iyaguna waxa ay dhahayeen haa. Gudoomiyaha ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay qiiro, ka dib markii uu arkay dhalinyaro yaryar oo ka buuxda xabsiga, waxana uu ku yiri, maanta wixii ka danbeeya waa in aad bilowdaan waxbarasho, bulshadana ka qayb qaadataan.

 

Ugudanbeyntii ayaa Gudoomiyaha iyo xubnaha ururka ONLF ee ka kala yimid qurbaha istaageen albaabka weyn ee jeelka, halkaas oo ay maxaabiista ka baxaysay albaabka gacan qaadayeen. Maxaabiistan ayaa waxa banaanka sidoo kale ku sugeysey ehelkooda oo ka badan boqolaal qof. Maxaabiistan ayaa waxa ay isku dhegdhegeen eheladoodii oo ay kala maqnaayeen in badan qaarkood, qaarna ay kaba quusteen in ay dib danbe u arkayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

my sisiter-in-law is one of the released. But my Inaabti (male) was picked up mid-night last night.

 

Tobon sano bilaa maxkamad! Jacayl, soo diga yidhaa dadkan lama dhibo. Kolka la sii daayaad sheegtaaye, marka laqabtana sidaa ula soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

goormaan idhi lama dhibo ?? ,,,,

 

 

Gudoomiyaha ayaa wajigiisa waxa ka muuqatay qiiro, ka dib markii uu arkay dhalinyaro yaryar oo ka buuxda xabsiga, waxana uu ku yiri, maanta wixii ka danbeeya waa in aad bilowdaan waxbarasho, bulshadana ka qayb qaadataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

War xalay baa lala baxay inaabtigay baan ku idhi. Fork the false gudoomiye. Ninkaas waa rer-xamar, uma dhalan somaligalbeed'ba. Dacaayad ma aha ee waa xaqiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Just in Minneapolis, I can count over 50 people that I personally know who their relatives are in jailed for no reason.

 

My brother is in jail for the 8th month now.My roommate's brother is in jail more than a year.

 

 

Dadka sida JB aan waxba ogeyn may iska aamusaan oy SL duushayda uun ku ekaadaan maxay falaadha noogu gilgilayaan waa yaabe? Maxay ka helaan iney been faafiyaan dad soomaali ah oo lagu tumanayo xaqooda u duudsinayaan?

 

JB ilaahayow adiga iyo inta kula midka ah dadkaas waxa lagu saliday oo kale ama ka daran haydinku salido. aamaiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isla hel ................

 

Waxaa iyo wax ka daranba horaanu u soo aragnay adeer ee waanu idinka nasiib badanahay uun .... maantaba waanagaa cagahayaga ku taagan.

 

Again, this is news and i'm not the one writing or reporting it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

My Comment-Do you do see qabiil or region in this:

JB ilaahayow adiga iyo inta kula midka ah

JB's commnet:

Waxaa iyo wax ka daranba horaanu u soo aragnay adeer ee waanu idinka nasiib badanahay uun .... maantaba waanagaa cagahayaga ku taagan

Where did I mention idink or does JB stands for SL? Do you see qabiil in everything?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wallahi the Ethiopians make Shabaab look like cats and mice, some time ago after the ONLF ambushed the Ethiopians in the region of my town, the Ethiopians went to the town killed 3 random elders and left their bodies in the city centre, warning that the same would happen to anyone that removed the bodies..Acuudubillahi from these devils.

 

As for the prison release, we can even call it Xabashi culture that for each person they release another one is arrested.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Colonel Ali Sabarey:

my sisiter-in-law is one of the released. But my Inaabti (male) was picked up mid-night last night.

 

Tobon sano bilaa maxkamad! Jacayl, soo diga yidhaa dadkan lama dhibo. Kolka la sii daayaad sheegtaaye, marka laqabtana sidaa ula soco.

I am starting to lose faith in your reports warya. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where did i say qabiil here ??? ,, cajiib

Waaka meeshaad qabiilka kusheegtey

 

quote:

waanu idinka nasiib badanahay uun

Af Soomaaliga miyaa kugu yar ninyahow. Waanu idinka nasiib badanahay bal waxaad ka wado sharax ha lawada maqle e? Idinkoo aya ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Qaranimo ma taaban :D

 

waase niman adag runtii, diyaaradda xunta ee suuqa Hargeysa laga muday markay siibaan, oo caruurta cuqdada ay ku beerayaan ka daayaan bay qaran noqonayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this