Allamagan Posted December 13, 2007 Faallo:Nuur-Cadde Oo Ku Taagan Raadkii Geeddi:By Cabdiweli Sh Maxamed Bishu waa diseembar (December). Dabayl dhaxan wadata ayaa dhacaysa. Dhar culus ayaa la xiranyaha. Waxaan fadhinnaa makhaayad aan ka qaxwaynno. Iswaraysi qaybtiisi koowad oo markaa keedu waa raggii duqa.dhammtay, ayaa waxaa soo galay nin asxaabta ka mid ah oo waraaq gacanta ku sita.  Inta nagu soo dhextuuray ayuu qaxwe kulul doontay. Ragga meesha fadhiya nin ka mid ah ayaa inta la booday ku dhaygagay, wuxuu ku dheereeyaa akhrinta karikateerada âAmiin Caamirâ. Qosol aan kala goâ lahayn inta ku dhuftay buu kii u dhawaa u gudbiyay, dabadeed midba mid u sii dhiibay. Kolkii laga bogtay buu yiri: âyaa micnaha karikateerka ku jira garan kara?!.  Ruuxba carruu isku qaaday!. Mar labaad, inta sawirkii laacay buu yiri; âmidkiinna ma garan!â! ** Geedka ninka hoos fadhiya waa Geeddi, isaga waad wada taqaanaan, hareerihiisa fiirsha, waa dalkii oo lama dagaan isu rogay, geedka uu dhabarka saaray oo wayn oo cagaaran waa, dawladda Itoobiya, boorsada (shandadda) uu dhulka u diiday waxaa ka buuxa deeqihii uu caalamka ka soo guray intii âAddis Ababaâ looga baaday mooyee baaqigii uu leexsaday, waraaqaha dhulka daadsan waa heshiisyadii uu Zanaawi ka saxiixday nuqullo ka mid ah, wajigiisa farxad baa ka muuqata, ha yeeshee wuxuu u fadhiyaa sidii ruux hawl badan soo qabtay oo daalay, labada lugood wuxuu sare ugu hayaa midka raadkiisa soo haya in uu garto halka raadkiisu ku dhammaday in aan la dhaafin.  Saaxiibayaal, sidaa ma u garateen?!. Kan raadka soo haya waa Nuur-cadde (caddaantiisu wax ay ku toorantahay ma garan!), waxaa laga rabaa raadka kii ka horreeyay inuu qaado oo dhanna ugu leexan, dhididka ka duulayaa waa hawshii oo aan wali bilaaban karkabo la soo daristay!, waa nin laga rabo âBuurta Bannoodaâ oo dagmada Buurhakaba dhankay jidka ka saarantahay in uu ka raro oo dhanka kale ka soo jeediyo, mana awoodo!, isba waa  naflay qoxooti Yurub ku raagay, tacab-goosina u soo dhoofay. Hadda, karikateerku ma idiin caddaaday?â. Akhyaartii aan wada fadhinnay fasirkaa waa ku qanceen, aadna madaxa ugu luleen, aniguse; si waa u qancay, sina waa u saluugay!. Goobtii inta ka jafjaftay baan kaligay lugeeyay,isla sheekaysina waddada ku sii maray anoo saladda duhur oo taagan tiigsanaya. Horta, ma falanyihiin mise, waa isyeelyeelayaan!; âbilawgii sagaashankii markaan Nairobi ku soo qaxay, waxaan arkay dhisme wayn oo loo yaqaan;âNyayo Houseâ, kolkaan dadkii iga soo horreeyay waraystay, waxay iigu fasireen; âNyayo (inyaayo)â waa raad, ulajeedaduna waa; âwaxaan qaadaynaa raadkii Joomo kenyaata, madaxwaynihii gobanimada halgan ku keenayâ. Sidoo kale, waxaan iswaydiiya; âsoo ruuxii madax laga dhigo kolkuu xilka la wareegayo ma oran jirin; âwaxaan raacayaa raadka hebelkii iga horreeyayâ. Haddaba, halkee cayn wareeggu ka yimid!?!â.  Maya, saaxiib isxasili!, markan xaalku sidaa waa ka duwanyahay oo, saaxiibadaa waxay garteen;âGeeddi axad raadkiisa la raaco in uusan ahaynâ. Haa, isaga Kan raadkiisa raacay, bal ka warran?!.  kolkay halkaa dooddi noo marayso aniga iyo naftayda, ayaan soo xusuustay (Nuktah-Barsaleeto)-sheeko siyaasad salka ku haysa oo lugu qoslo, waxna lugu cabbiro, waa karikateer hadal ah- dalka Masar caan ka noqotay oo ah:âJamaal Cabdinaasir (AUN) ayaa jeclaystay in uu magacaabo madaxwayne ku-xigeen fahmo gaaban, amar uu bixiyayna aan soo celin. Wuxuu soo helay âAnwar Alsaadaatâ (AUN), Saadaat, tabtii buu raacay, wuxuuna soo helay, âXusni Mubaarakâ. Mubaarak isna tabtii inuu raaco ayuu doonay, dalka Masar ayuu toos iyo gudub u xulay, labaatan sano iyo wax dheer ruux tilmaantaa leh oo madaxwayne ku-xigeen ka dhigto, Masar ka maa helin!.  Si kale, waxaa qalaw igu yiri sheeko soo shaac baxday waqtigii Nuur-cadde la magacaabay wax yar ka dib. Cabdullaahi Yuusuf, waa oday reer Mudug ah oo aan warka la gabban, kana mer-meerin wixii maskaxdiisa ku soo dhaca. Koox hareerihiisa aan ka fogaan (hormo jaan) isagoo ayuu ku xanqarsaday, wuxuu yiri: âwaryaaya!, wax badan baad igu dhalliisheen wiil daâ yar oo macangag ah oo madax adag inaan Wasiirka Koowaad u magacaabay, maanta waxaan soo helay mid aan daâ iga yarayn, darajo ciidanna simannahay oo, haddaad itiraahdeen beerka ayuu laâayahay isna maskaxda ayuu laâyahay!â. Qosol markay la dheceen ayuu raaciyay: âAllaa ogoo, niman war haya ma tihin!, laba habrood oo reer Baarre ah (Condoleeza iyo Jenday) baan ka lug bixi laâahay!, adinkuna halkaad gabrantihiin!.  Nuur-cadde haddaan u soo laabto runtii, nin Barlamaanka dhuuntu waynaatay oo Baydhoba fadhiya maraya saan-saanki ma laha. Wareegga koowaad, ha tirsan!, mar labaad haddii dib loo soo magacaabo ma suuragal baa in la jiirsiiyo Barlamaanka. Dooddaa weeye midda furan, sababuhuna waa kuwa soo socda:  1- Baarlamaanka intaan la horgayn ayaa raggii uu soo magacaabay kala yaaceen. 2- Qaybtii xumayd (4.5) saluug fara badan baa ka yimid, 3- Kooxda uu magacaabay badan 4- Xubnaha dawladda cusub waa kuwii Geeddi oo lugu sargooyay dhowr magac oo cusub, oo waa âjug-jug meeshaada joogâ. 5- Ragga uu Barlamaanka dibaddiisa ka soo xushay oo saddex ah, waxaa laga dilaa; Dr. Maxamed Yuusuf wayrax âWasiirkii Maaliyadda dowladdii kacaanka- oo âhormo-jaantaâ Amxaaro soo hor kacday la taliye u ah iyo Dr. Maxamad Cali Xaamud oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dawladdii âMxamed Siyaad Barreâ (AUN).  Waana ninkii sheekada soo socota ay ku baxday:âDr. Xaamud oo safar dibadda ah markaa ka soo laabtay ayaa âMaxamed Siyaadâ xafiiskii madaxtooyada ugu tagay. Warbixin dheer isaga oo ku dhex jira, ayaa madaxwaynihii isyiri bal ogow arrimaha dalka ka socda inta uu ka ogyahay, wuxuu waydiiyay;â****** iyaga ka warran?â, Wuxuu yiri: wallaahi jaalle, madaxwayne waxay noo soo gudbiyeen qoraal ay ku tilmaamayaan muhiim in ay tahay labada dal in xiriir heer safaaradeed ah yeeshaan, arrintaa waa darsaynaa, waxay ku dambaysana waa kula socodsiin, jaalle madaxwayneâ. Qosollo inta ku dhuftay buu yiri;âka soco!â. Nasiib darro, xilkii oo aan loo dharan, baa dawladda Itoobiya oo magacaabidda wasiirrada ansixisa ka biyo diidday, Dr. Xaamud xafiiska Arrimaha Dibadda Soomaaliya in uu qabto.  Nuur-cadde oo ah nin (paesano=Baayesaano) âDhiblaawe ama miskiin reer magaal ah; sidaan hadalakiisa ka dhadansaday- haddii intaas iyo in qarsoon hor taal, sharuud xilka uu ku qabtana ka dhigi waayay;âmagaalada Xamar oo aan ku dhashay, inta Geeddi burburiyay iyo inta la iga rabo in aan burburiyo, haddeer ha la kala calaameyo!â. Wallee, kolkii Nuur-madoobe loo baxiyo ayuu: âkabteey ma aragtay ku wardinâ. Malaha waxaa loo qaatay inta qaboobaha (winter-ka) lugu jiro, in uu Dubai ama Nairobi ku sii gabbado, kolkii kulaylaha (Summer) la galano London,UK ku soo laabto oo makhaayadihii uu ku taxnaa qaxwaha ka cabbo, kana sheekeeyo!.  Runtii, waxaa isu kay qaban laâ:âarrimo samafal ayuu ka soo shaqeeyay iyo BM-ka xabashidu Xamar la dacayso ayaan hoggaamin!â. Odaga, oo cumrigii towba keenka ku jira waa u baqayaa, aadna uga walwalaa!!!. Wadeeco Allah, Alloow soo uruuri..  Cabdiwali Sh. Maxamed ifaqoon@hotmail.com 07/12/2007 Source  ** Sawirku maqaalkan ma lasocon, balse madaama uu yahay sawirku qoraaga maqaalku ka hadlayo ayaan annigu usoo raacshay si qofka aqrisanaya u fahmo sawirka laga hadlayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 13, 2007 Very interesting indeed! Quote Share this post Link to post Share on other sites