Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Admin refreshes Puntland stance on foreign troops

Recommended Posts

Garowe: " Soomaaliya ubaahna ciidamo Caalami ah, Madaxda DF la heshiiya dhinacyada idinka soo horjeeda" Wasiir ka tirsan dawladda Puntland.

23. marts 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa ka soo horjeesatay in ciidamo caalami ah la keeno dalka Soomaaliya, waxa ayna ku sheegtay talaabo ciidamo caalami ah lugu keenayo dalka Soomaaliya mid aan waxba soo kordhineyn.

 

Cabdi-Shakuur Mire Aaden oo ah Wasiir kuxigeen ka tirsan Wasaarada Warfaafinta ee Puntland ayaa usheegay saxafaada in aysan Soomaaliya ubaahneyn ciidamo shisheeye, loona baahan yahay in ay dadku ilaalsadaan dawladooda.

 

Mr. Cabdi Shakuur wuxuu sheegay in sidoo kale looga fadhiyo dawladda Soomaaliya in ay heshiis la gasho dhinacyada dagaalada kala soo horjeeda, balse aysan muhiim aheyn in ciidan cusub loo dalbado, ayadoo horay loogu hungoobay ciidamo fara badan oo la keenay dalka Soomaaliya.

 

" Soomaaliya uma baahna ciidamo caalami ah waxa ay ubaahan tahay in dad walbaa ay maamulkooda ilaalshadaan, hadii cid walbaa ay ilaalsato Maamulkeeda ma dhaceyso in ciidan loo baahdo, dadka ka soo horjeeda dawladdana waa in ay dawladuu la heshiisaa wayaa waa dadkeedii" Ayuu yiri Wasiir kuxigeenkan.

 

Wasiir kuxigeenka Warfaafintu wuxuu intaasi ku daray in ay Puntland uaragto in wax laga qabto kooxaha ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya, ayadoo loo furayo wada hadalo oo aan marnaba xabad iyo xoog lugu keeneyn xal Soomaaliya ah, balse loo baahan yahay in dhinaca nabadgalyada loo maro oo la fududeeyo dhigida gogasha nabadgalyada.

 

Warkan ka soo baxay dawladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/laahi Oomaar ka codsaday golaha amaanka ee Qaramada Midowbay in ciidamo lasoo diro dalka Soomaaliya, kuwasoo caawin doono dadka Soomaaliyeed korna kala socon doona dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo dawladooda, inkastoo hadalka wasiirkaasi uu la kulmay dhaliilo xoog leh.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this