Sign in to follow this  
Juje

TFG Parliament Unanimously Approves the Djibouti Accords.

Recommended Posts

Juje   

Baarlamanka Somalia oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey natiijada shirkii Jabuuti iyo xildhinaanada oo loo qeybiyey mowshin xilka looga xayuubinayo C/llaahi Yuusuf

Xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta qodobadii ka soo baxay heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen DF iyo isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ka dib markii kulankooda la soo hor dhigay Heshiiska oo uu ka hor aqriyey wasiirka dib u heshiisiinta ee xukuumada RW Nuur cadde C/waaxid Cilmi.

“Waxaa fadhiga maanta soo xaadiray illaa 151 xildhibaan heshiiskii awood qeybsiga ee DF iyo isbaheysiga dib u xoreyhta ku gaareen Jabuuti waxaa ogolaatay 151 xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jiro sidaa awgeed heshiiskaasi waa ansax baarlamankuna waa uu ogolaaday” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir gudoominayey shirkaasi ka dib markii cod la geliyey heshiiskaasi.

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamanka ayaa waxaa loo qeybiyey qoraalo ku saabsan mowshin ay ku saxiixan yihiin illaa 135 xildhibaan oo la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, kaasoo sidoo kale xildhibaanada laga hor aqriyey waxaana xildhibaanada mowshinku saxiixay ay ku eedeeyeen madaxaweynaha qodono ay ka mid yihiin inuu ku tuntay axdiga ku meel gaarka ah iyo kuwo kale oo aad u badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

^^they deserve it. they have been working so hard over the last 4 years :D

 

this whole Djibouti process is very murky and unclear. especially now there will 2 men claiming to be prime minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Heh @ Juje, so in your case there were 151 MP's present and 151 out of 151 voted Yes, 100% approval :D . Where is your logic in this my man, Dayniile way kuwaalaysaa ninyahow.

 

Watch this Univ TV clip , when the President named Gacmadhere the meeting hole was quite and in order, and compare that to the day before when Nuur Ade's goverment got the so called vote of confidance it was chaos and disorder, qaarbaa labada gacmood taagaya, half-way the clip Salad Jeele eega siduu laba gacmood utaago dajiyo hadana taago :D , waali ayaa meeshaa kasocota, bal Aadan Madoobe sidee 143 gacma taagayay kutiri karaa in that situation, wixi horay uu uqabay ama rabay inbuu iska sheegi :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Saxiib walida ma hada aya kugu horeysa weligeed ayey ka socotey...the difference is..adey manta kugu socota.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this