Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federalk...

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federalka Soomaaliya  ayaa kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku suganaayeen Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidanku fuliyeen.

Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaasjanayay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana saraakiil u hadashay ciidanka ay sheegeen in Al-shabaab khasaare lagu qaarsiiyey iyo fariisinno halkaas lagu burburiyay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta dowladda ayaa  sheegay in ay khasaaro  dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyeen Al-shabaabkii ku sugnaa.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, isaga oo intaas ku daray in deegaankii howlgalka laga sameeyay au ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta ayaa muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka bilaabay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo u jeedkiisa lagu sheegay in Al-shabaab laga saaro deegaannada hoos yimaada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this