Sign in to follow this  
Maaddeey

AlShabaab oo DAGAAL iclaanshay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqeen dagaalo ka dhan ah Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah Sarkaal sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Salaadii Jimco ee maanta kadib boqolaal dadweyne ah oo u badan taagarayaasha Xarakada Mujaajidiinta Al Shabaab kula hadlayay gudaha Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay in lala dagaalamo Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Muqtaar waxa uu shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in shacabka iyo Mujaahidiinta ay dagaal wadajir ah ku qaadaan fariisimaha ay ku suganyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in wilaayaadka Islaamiga ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalada lala galayo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan meelo kooban oo ku yaala gudaha dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

Sheekh Abuu Mansuur waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Ciidamada AMISOM in ay duqeeyaan goobaha ay degenyihiin dadka Shacabka isagoona ka caro baabay goobahaasi xaafadaha Suuqa Xoolaha, Siinaay iyo suuqa Weyn ee Bakaaraha.

 

Muqtaar Roobow waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay beeninta Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay beeniyaan Madaafiicda ay ku garaacaan xaafadaha ay ku badanyihiin dadka rayidka ah iyo qasaaraha ka soo gaara weerarada lagu qaado fariisimaha Ciidamada AMISOM.

 

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxa uu sidoo kale sheegay in qilaaf uu soo kala dhaxgalay dowladaha Kenya iyo Ethiopia kaasi oo ku aadan in dad tahriibayaal ah dowladda Kenya ay u soo tababartay Ciidan ahaan ay soo dhoobtay Xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto isagoona tilmaamay in Kenya ay ka codsatay Ethioipa in xaduudka ay la wadaagto Soomaaliya ay ka soo galisay Ciidamadaasi Ethiopiana ay ka biyo diiday.

 

Ugu dambeyntii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Mujaahidiinta ka dagaalanta dalka Soomaaliya islamarkaana ay ku xirmaan dagaalyahanada ka dagaalama wadamada Yemen, Afgaanistaan, Shiishaan iyo dagaalyahanada kale ee ka dagaalama wadamada Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this