Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Imtixasnaadka Oo Ka Hadlay Xeelad ay Kula Dirirayaan Qushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Imtixasnaadka oo Hadlay Xeelad ay Kula Dirirayaan Qushka

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in ay wax ka badal ku sameynayaan nidaamkii loo mari jiray xakamaynta qishka Imtixaanaadka ama eegashada.

Guddoomiye Daa’uud waxa uu sheegay in aanu jiri doonin arday danbe oo laga qaadi doona telefoonka, waxaa uu caddeeyay in loo fasaxi doono, balse la gaadhi doono heer ardayna aanu arday la imtixaan ahayn, gobolna aanu gobol la imtixaan ahayn, iskuula iskuul la imtixaan noqon.

Sidoo kale waxa uu sheegay in telefoonka gacanta ee ardaydu xilliyada imtixaanaadka u soo qaataan, inay imtixaanka ka eegtaan, ay ciidamada iyo ilaaliyayaasha imtixaanaadkuba ay dhib weyn ka mari jireen, balse hadda ay wadaan qorshihii lagaga gudbilahaa.

Daa’uud Axmed Faarax guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL, waxa uu tusaale u soo qaatay in iyada oo imtixaanka lagu jiro ardayda qaarkood ay diidi jireen inay fasalada soo galaan si maruun ay ugu suuragasho helitaanka imtixaan laga shaqeeyay oo loogu soo diro telefoonka gacanta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this